
Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shaacisay in Puntland Waa Diiday Inay Dowladda Ka Caawiso Dagaalka Ka Dhanka Ah Daacish ee ka socda gobollada waqooyi-bari ee dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, uu diiday in dowladda federaalka ay gacan ka geysato dagaalka socda. “Waxaan haynaa caddeymo muujinaya in dowladda albaabada laga xirtay, iyadoo haddana nalagu eedeynayo inaanan kaalin ka qaadan dagaalka,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo maamulka Puntland ku eedeeyay in ay xannibeen kaalmada dowladda federaalka.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda federaalka lagu dhaliilayo in aysan qaadan doorkii looga baahnaa dagaalka socda.


Inkasta oo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo labada dhinac u dhexeeya, haddana waxa loo baahnaa in la iska kaashado dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee dalka dhibaateynaya. Waa masuuliyad saaran qof kasta in uu gacan ka geysto difaaca amniga qaranka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda wuxuu xusay in ay hayaan caddeymo cad, ayna Puntland diiday in dowladda federaalka ay ka caawiso dagaalka, inkastoo ay hore u jirtay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay labada dhinac.
- Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri
- Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka
- Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka
- DAAWO: Mucaaradka oo war cusub kasoo saaray banaanbaxa berri ku qabanayaan Muqdisho
- Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti si uu uga qeyb galo caleemo-saarka Ismail Omar Geelle
Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri

Wararka Ugu Aqrintabadan Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri 19 minutes ago Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka 29 minutes ago Load More ShareWararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay isku kala qaybiyeen degmooyin kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii dardargelinayaan abaabulka
Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka

Wararka Ugu Aqrintabadan Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri 19 minutes ago Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka 29 minutes ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa war saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay xarigga dhalinyaro iyo wariyeyaal la sheegay inay ka
Muungaab oo adkeeyay amniga caasimadda iyo hakinta hawlaha dhulka

Wararka Ugu Aqrintabadan Mucaaradka oo isku abaabulay degmooyinka Muqdisho ka hor banaanbaxa berri 19 minutes ago Farmaajo oo dowladda iyo hay’adaha amniga uga digay caburinta shacabka 29 minutes ago Load More ShareWararka24: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay loogana hadlay xaaladda amniga caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta



















