Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa bulshada Soomaaliyeed uga jawaabay su’aallo ku saabsan waxqabadka saddexdii sano ee la soo dhaafay ee Xukuumadda DanQaran.
Xamse ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay guulo ka gaartay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, horumarinta adeegyada bulshada, xiriirka caalamiga ah iyo wada-shaqeynta dowlad-goboleedyada.
Markii wax laga weydiiyay khilaafka dowladda federaalka kala dhexeeya Puntland iyo Jubbaland, iyo sida ay u muuqdaan in deegaanadaasi matalaad yar ku leeyihiin, Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay inuusan kursiga ugu fadhin Puntland iyo Jubbaland oo keliya, balse uu metalo shacabka Soomaaliyeed oo dhan.
Dhanka kale, Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in Puntland ay ka horrayso dalka intiisa kale marka laga hadlayo nidaamka doorashooyinka iyo dowlad-dhisidda. Wuxuu sheegay in marka Koonfurta dalka la gaarsiiyo heerka ay Puntland joogto, ay markaas suuragal noqon doonto in si mideysan looga hadlo arrimaha doorashooyinka.
“Puntland dalka intiisa kale way ka horraysaa, casharadooda weli lama gaarin. Markaan soo gaarno heerka ay joogaan ayaa arrimahaas laga wada hadli doonaa. Doorashooyinka golayaasha deegaankana hore ayey u qabteen