Jabuuti – Dowladda Jabuuti ayaa wada dadaallo lagu doonayo in dib loogu furo wadahadalladii hakadka galay ee u dhexeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, sida ay xaqiijiyeen ilo diblomaasiyadeed.
Ujeeddada qorshahan ayaa ah in la dejiyo xiisadda ka dhalatay heshiiskii dekedda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo walaac badan ku abuuray guud ahaan dalka somalia iyo caalamka. Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa hoggaaminaya dadaalladan, iyada oo la doonayo in dib loo dhiso kalsooni siyaasadeed oo muddo dhaawacaneyd.
Isbeddelka hoggaamineed ee Somaliland kaddib doorashadii Muuse Biixi Cabdi xilka looga qaaday ayaa fursad cusub u abuuray wadahadallada. Madaxweynaha cusub, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi “Cirro,” ayaa muujiyay diyaar u ahaansho ku aaddan wadahadal dhab ah, isagoo ka fogaanaya khaladaadkii siyaasadeed ee hore.
Wadahadalladan ayaa la filayo inay dib u bilaabmaan, taas oo muhiim u ah mustaqbalka dalka, degganaanshaha iyo iskaashiga gobolka, iyadoo heshiis kasta oo la gaaro uu gacan ka geysan karo dhismaha kalsooni iyo nabad waarta.