• About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, August 24, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us
Home Caalamka

Ruushka iyo Mareekanka ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah shirkii Riyadh, Lavrov.

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
6 months ago
Reading Time: 3 mins read
ruushka iyo Mareekanka ay
Share

Wararka24: Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa sheegay in ruushka iyo Mareekanka ay isku afgarteen dhowr qodob, si loo sii amba-qaado wada hadalada nabadda ee Ukraine.

ruushka iyo Mareekanka ay
Ruushka iyo Mareekanka ay isku afgarteen qodobo dhowr ah shirkii Riyadh, Lavrov.

Wasiirka ayaa shaaciyay in labada dhinac ay shirkii Riyadh ku heshiiyeen dhowr mowduuc oo mabda’ ahaan aan laga tallaabi karin. Lavrov ayaa tilmaamay in lagu heshiiyay soo celinta shaqaalaha diblomaasiyadda, in la bilaabo hannaan wada hadal oo lagu soo afjarayo colaadda Ukraine, iyo in laga wada shaqeeyo qaban-qaabada kulan ay yeeshaan labada Madaxweyne.

“Waxa kale oo ruushka iyo Mareekanka ay ku heshiiyay in la bilaabo qaadista cunaqabateynta Mareykanka ee Ruushka,” ayuu yiri Sergey Lavrov. Wasiirka ayaa intaa raaciyay, “Waxaan aaminsanahay in wada hadaladu ay ahaayeen kuwo faa’iido leh oo wax dhisaya.”

Dowladdii Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabateyno is daba joog ah saartay Ruushka, iyadoo laga jawaabayo duulaankiisii Ukraine. Ruushka ayay ciidamadiisa 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ay ku duuleen dalka ay deriska yihiin ee Ukraine, ka dib markii uu xoogeystay xiriirka iyo iskaashiga ay Ukraine la leedahay NATO, taas oo Moscow ay ku sheegtay mid khatar ku ah ammaankeeda.

Ruushka ayaa xulafada NATO ku eedeeyay inay ku soo fideen xuduudihiisa, taasna ay baalmarsan tahay wixii ay labada dhinac ku heshiiyeen, ee ahaa inaysan xuduudihiisa ka soo ag-dhawaan.

Wasiir Lavrov ayaa sheegay in Ruushku aanu aqbali doonin in ciidan nabad ilaalineed oo ka socdo dalalka NATO la keeno Ukraine, waxa uu intaasi ku daray inaysan xitaa ogolaan doonin in Ukraine ay ku biirto xulafada NATO. Lavrov ayaa xusay in Ukraine oo ku biirta NATO ay khatar toos ah ku tahay ammaanka Ruushka.

Lavrov ayaa shegay in Ukraine ku biiristeeda NATO ay tahay sababta ka dambeysay inuu Ruushka ku duulo dalkaasi 2022di.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, ayaa doonaya in la soo afjaro dagaalka Ukraine, iyadoo aysan Ukraine qayb ka ahayn wada hadalada. Ukraine iyo xulafadeeda Yurub ayaa qaadacay qaabka uu Trump u wajahayo wada hadalka. Reer Yurub ayaa walaac xoogan ka muujiyay inaysan iyaga iyo Kyiv-ba wax boos ah ku lahayn wada-xaajoodkan..

Shirka ruushka iyo Mareekanka ay ku heshiiyeen ayaa uga furmay dalka Sacuudiga kaas oo gogol-xaar u ahaa in nabad ay ka dhacdo dalka Ukraine,

Ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirkan ayaa noqonaya wada hadalkii ugu horreyay ee toos ah ee ay yeeshaan Moscow iyo Washington, tan iyo markii Ciidamada Ruushka ay duulaanka ku qaadeen Ukraine..

  • Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

    Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?

    ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu ahayn mid tahriib ah, sida ay baraha bulshada qaar ku faafiyeen, balse uu ku saabsan yahay arrimo caafimaad oo ay u…

    Sii Aqri


    August 23, 2025
  • Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

    Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB

    ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka.   Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, ayaa ahaa musharrax si toos ah ay u taageerayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabka uu hoggaamiyo Madaxweyne Firdhiye. Guushiisa…

    Sii Aqri


    August 23, 2025
  • DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

    DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari

    ShareMarwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay guul kale oo ay xildhibaanada taageersan Madaxweyne Firdhiye ka gaareen tartankii siyaasadeed ee golaha ka dhex socday. Amran, oo kasoo jeeda beesha Warsangeli – Dubeys, Xuseen Adareys, ayaa ka tirsan garabka xildhibaanada ku dhow Madaxweynaha. Doorashadan waxay…

    Sii Aqri


    August 23, 2025

Share
Tags: Magaalada RiyadhShirka Caasimadda Riyadhwararka caalamkawararka manta
Previous Post

Fahad Yaasiin oo ku taliyey In Labaaro xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka, kadib Hadalki MD Xasan Sheekh

Next Post

Ciidamada Xoogga Dalka oo Weerar ka Fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

Frank Caprio

Frank Caprio Garsoorihii ugu Naxariista Badnaa Maraykanka, oo ku Geeriyooday 88 Jir

by Abdirahman Dahir
August 21, 2025

Frank Caprio, garsoorihii Maraykanka ee caan ku ahaa dulqaadka iyo naxariista uu umuujin jiray dadka maxkamadiisa yimaada, ayaa...

Madaxweyne Trump

Madaxweyne Trump oo ka hadlay wakhtiga uu dhamaanayo dagaalka ukraine.

by Yasmin Jamal
August 19, 2025

Madaxweyne Trump ayaa ka hadlay wakhtiga uu dhamaanayo dagaalka Ukraine iyo Ruushka kadib markii la waydiiyey su'aalo ku...

Hoggaamiyeyaasha Yurub

Yurub oo aad ugu cabsi qabto, kulanka trump iyo putin. Maxaa cusub?

by Abdirahman Dahir
August 13, 2025

Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa aad ugu cabsi qabo shirka u dhexeeya Madaxweynaha mareekanka Trump iyo dhigiisa dalka rushka Putin...

61 qof

Deg Deg: 61 Qof oo ku dhintay dab ka kacay suuq ku yaalla Ciraaq

by Yasmin Jamal
July 17, 2025

BAGHDAD — Ugu yaraan 61 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen, kadib markii dab xoogan...

nato

NATO oo diyaar u ah qorshe cusub oo ad ugu careysiindona rushka?

by Yasmin Jamal
July 14, 2025

BRUSSELS — Dalal ka tirsan NATO iyo Mareykanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay Ukraine siiyaan gantaallada...

Kurdiyiin oo Manta Hubka Dhigay 40 Sano Kadib.

Kurdiyiin oo Manta Hubka Dhigay 40 Sano Kadib.

by Yasmin Jamal
July 11, 2025

ANKARA — Kooxda Kurdiyiin (Kurdistan Workers' Party) (PKK) ayaa maanta ku dhawaaqday joojinta dagaalka ay 40 sano kula...

Next Post
Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Weerar ka Fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug

Ciidanka Puntland

Ciidanka Puntland oo layey ajaaniib tiro badan, Dagaal Culus oo lala Galay Manta Daacish,

Puntland oo sheegtay

Puntland oo sheegtay in ay Dishay 44 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Daacish..

Recommended

Donald Trump

DEGDEG: Donald Trump OO markale Ka Careeysiiyey YURUB, Goaan kale ee Manta Soobaxay+ kulanka congreeska dhalkaas ee manta

6 months ago
Dowladda Pakistan

Dowladda Pakistan oo Trump u Magacaabay Hogamiya nabada Nobel 2026.

2 months ago
Ciidamada Israel

Ciidamada Israel oo Maanta ka Baxaya Netzarim, Gaza

7 months ago
kenya iyo ethopia

Xiisad kadhalatay xaduuda kenya iyo ethopia, 22 qof oo kenyan ah ayaa la la’yahay?

6 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 month ago
Manta Paris Boorsada Jane Birkin oo $10.1 Milyan Lagu iibsaday?

Manta Paris Boorsada Jane Birkin oo $10.1 Milyan Lagu iibsaday?

1 month ago
Biixi

Wasiir Biixi Oo Helay Abaalmarinta Wasiirka Maaliyadda Ugu Wanaagsan Africa + SAWIRO

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Ciyaaraha
  • Bulshada
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.