ZAMORA — Nin Markhaati goob-jooge ah ayaa beeniyay warbixinta booliska ee ku saabsan qaabka uu shilka ugu dhacay ciyaaryahanka Liverpool Diogo Jota iyo walalkis Andre.
Diogo Jota iyo walaalkiis ayaa ku geeriyooday shil baabuur ah oo ka dhacay Spain. Shilka ayaa dhacay habeenimo wadada A-52 ee magaalada Zamora.
Booliska Spain ayaa sheegay in Jota uu wadayay baabuurka. Waxayna tilmaameen in uu aad uwaday gaariga taas oo keentay shilka .
Hase yeeshee Jose Azevedo oo ahaa darawalla gaari weyn ayaa beeniyay sheegashada booliska. “Waxaan hubaa inaysan gaariga xoog uwadin. Way i soo dhaafeen si deggan,” ayuu yiri.
Azevedo ayaa sheegay inuu sawir-ka qaadayay dhacdada. Wuxuu isku dayay inuu ka caawiyo laakiin waxba kama qaban karin ayuu yidhi. baaritaanka ayaa weli socda. Diogo Jota ayaa dhintay isago guursay kaliyah laba toddobaad ka hor xaas kiisa u haysa 3 cunug. inta kadaawo Video Joze azevedo