Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Washington Post oo Ka Hadashay Qorshaha Trump ee Soomaaliya

Wargeyska Washington Post ayaa maanta daabacay maqaal muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda cusub ee maamulka Trump uu ku wajahan yahay Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto amniga gobolka.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
June 3, 2025, 10:14 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Washington post
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.
Washington post

Wargeyska Washington Post ayaa maanta daabacay maqaal muhiim ah oo ku saabsan siyaasadda cusub ee maamulka Trump uu ku wajahan yahay Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeelan karto amniga gobolka.

Guddiga tifaftirka wargeyska ayaa qoray in Mareykanka mar kale uu u muuqdo inuu marayo marxalad dayac cusub xagga Soomaaliya, taasoo khatar gelin karta danaha Mareykanka iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Xukuumadda Trump ayaa hadda ku hawlan dib u habeyn ballaaran oo ku saabsan siyaasadda Mareykanka ee Afrika. Qorshuhu wuxuu ku jiraa jarista gargaarka dibadda iyo hoos u dhigida tababarka la siiyo ciidamada maxalliga ah ee la dagaalamaya kooxaha argagixisada.

Wargeysadku wuxuu tilmaamay in General Michael Langley oo ah taliyaha AFRICOM uu sheegay “Waxaan diiradda saaraynaa in aan somaliya siino awood halkii laga abuuri lahaa ku-tiirsanaan.”

Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ayaa qorsheynaya in dhaqaalaha dib loogu wareejin doono arrimaha Trump mudnaanta siinayo sida hawlgallada xadka koonfureed iyo casriyeynta hubka nukliyeerka. AFRICOM aysan jirin mudnaan gaar ah oo ku jirta qorshahan.

Wargeysku wuxuu sheegay in sanadkan Mareykanka uu jaray taageeradii uu siiyay ciidanka gaarka ah ee Danab. Taageeradaasi waxay ahayd $1.5 bilyan oo doollar sanadkii, taasoo hadda la joojiyay.

Ciidanka Danab ayaa ahaa kuwa ugu waxtar badan ee dowladda Soomaaliya ku wajahdo Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya oo ay haysato dhaqaale xumo ayaa hada wajahaysa u adkaanaysiga bixinta mushaarka Danab.

Washington Post wuxuu xusay in ka bixitaanka Mareykanka uu imanayo xilli Al-Shabaab ay qaadayso weeraro joogto ah. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, kooxdu waxay la wareegeen magaalooyin muhiim ah.

“Al-Shabaab waxay hadda ka hawlgalaan ku dhowaad saddex meelood meel dalka,” ayuu qoray wargeysku. Hay’adda ACLED ayaa sheegtay in kooxdu ay bilaabatay weeraradooda bishii February si ay uga faa’iideystaan meel bannaan.

Wargeysku wuxuu xusuusiyay weerarkii 2020 ka dhacay saldhig Mareykan ah oo ku yaalay Kenya kaasoo lagu dilay saddex Mareykan ah. “Kooxdaasi xitaa waxay qorsheeyeen weerar la mid ah kii 9/11,” ayuu ku daray maqaalku.

Wargeyska ayaa caddeeyay in dad badan oo Mareykan ah ay u arkaan Soomaaliya meel fog, laakiin runtu tahay in dalku ku yaallo meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

“Burcad-badeednimadii Soomaalida ee billowgii 2000-meeyadii waxay carqaladeysay maraakiibtii ganacsiga caalamiga ah,” ayuu qoray Washington Post.

Maqaalku wuxuu dib u eegay taariikhda xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya tan iyo 1980-kii. Wuxuu xusay taageeradii Mareykanka ee Siyaad Barre ilaa 1991 iyo sida xiriirku u hakad galay ka dib burburkii Midowgii Soofiyeeti.

Washington Post wuxuu tilmaamay dagaalkii 1993 ee Muqdisho oo lagu riday laba diyaaradood oo Black Hawk ah iyo sida Mareykanka dib ugu soo laabtay ka dib weeraradii 9/11.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

Somaliya oo ka qeyb gashay shir culimo oo 50 dal isugu yimaadeen magaalada Istanbul

8 minutes ago
Villa Somalia oo benisay in Uganda ay dhex dhexadin doonto dowladda iyo mucaradka

Villa Somalia oo benisay in Uganda ay dhex dhexadin doonto dowladda iyo mucaradka

5 hours ago
sababta Fiqi loogu bedelay Sadaq Joon xilka Wasiirka Gashandhigga

sababta Fiqi loogu bedelay Sadaq Joon xilka Wasiirka Gashandhigga

5 hours ago
NATO oo ka digtay khataraha hubka nukliyeerka ee hawada sare kadib talaba uu Ruushku qaaday

NATO oo ka digtay khataraha hubka nukliyeerka ee hawada sare kadib talaba uu Ruushku qaaday

7 hours ago
Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

Somaliya oo sheegtay inay qoraneysa ciidamo cusub

1 day ago
FBI Mareykanka oo la sheegay inay la kulmeen weerar internet

FBI Mareykanka oo la sheegay inay la kulmeen weerar internet

1 day ago
Mid ka mid ah wasiradii uu magacabay Liiban Shuluq oo iska casilay xilka

Mid ka mid ah wasiradii uu magacabay Liiban Shuluq oo iska casilay xilka

1 day ago
Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ubaxay Uganda xilli wadahadalladii mucaradka fashilmeen

Xasan Sheekh oo la sheegay inuu ubaxay Uganda xilli wadahadalladii mucaradka fashilmeen

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.