• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo Kulan Xasaasi ah Ku Leh Nairobi

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
Siciid
Share

Siciid

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku kulmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyaga oo ka wada hadlaya xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saarayaa is-afgarad laga gaaro mowqifyada ay labada maamul ka taagan yihiin arrimaha Federaalka, doorashooyinka soo socda, iyo dib-u-eegista dastuurka. Ilo-wareedyo siyaasadeed ayaa sheegaya in labada masuul ay doonayaan inay mideeyaan aragtidooda si ay cod adag ugu yeeshaan go’aamada muhiimka ah ee dalka.

Labada hoggaamiye Siciid iyo ahmed ayaa horey uga baaqsaday shirar ay isugu yeertay dowladda Federaalka, iyagoo sheegaya in aan la tixgelin doorkooda iyo cabashooyinka ka jira dhinacyadooda. Sidaa darteed, kulanka Nairobi ayaa ah dadaal cusub oo lagu adkeynayo midnimada mowqifkooda siyaasadeed.

Shirkan waxa uu ku soo beegmayaa xilli Soomaaliya ay wajahayo marxalad adag, iyadoo la isku mari la’yahay hab-raaca doorashooyinka, dib-u-habeynta dastuurka, iyo xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Wararka ayaa sidoo kale muujinaya in kulankan uu noqon karo mid horseeda in la sameeyo iskaashi ballaaran oo ay hoggaanka Puntland iyo Jubaland ku wajahayaan siyaasadda Villa Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in natiijada kulankan ay saamayn ku yeelato jihada siyaasadeed ee dalka, iyadoo laga war sugayo war-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxa labada dhinac.


Share

Recommended

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

Xog cusub oo ka soo baxday xaaladda caafimaad ee Maxamed Bin Zayed

7 months ago
Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta

Eritrea oo soo dhaweysay tallaabada Mareykanka uu  kaga qaaday cunaqabateynta

1 week ago
Mareykanka iyo Iiraan oo manta kala saxiixanaya heshiis taariikhi ah

Mareykanka iyo Iiraan oo manta kala saxiixanaya heshiis taariikhi ah

4 months ago
Xisbiga Liberal-ka Australia oo iska fogeeyay qorshe sir ah oo lagu adkeynayo fiisooyinka Soomaalida

Xisbiga Liberal-ka Australia oo iska fogeeyay qorshe sir ah oo lagu adkeynayo fiisooyinka Soomaalida

7 months ago
Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta

Xamsa Cabdi Barre oo magacaabay wasiirka cusub ee warfaafinta

5 months ago
Shiinaha oo kordhinaya taageerada amniga Soomaaliya kadib kulan Muqdisho

Shiinaha oo kordhinaya taageerada amniga Soomaaliya kadib kulan Muqdisho

5 months ago
Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami

Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami

3 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.