Gaalkacyo oo Markale Wajahaysa Xiisad Dagaal oo u Dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Kuwo general asad

Share

Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa wajahaysa xaalad cakiran oo dhinaca amniga ah kadib markii uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay taabacsan yihiin Maxamuud Cismaan Diyaano, taliyihii hore ee ciidamada PSF.

Dagaalka ayaa ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan nawaaxiga warshaddii hore ee Kabista. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada Puntland ay weerar qorsheysan ku qaadeen fariisimo ay halkaas ku lahaayeen maleeshiyaad hubeysan. Intii uu dagaalka socday, waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay taliyihii ilaalada madaxtooyada Puntland, Gashaanle Sare Cismaan Cumar Maxamed, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Xiisaddan ayaa salka ku heysa muran ka dhashay xil ka qaadistii uu Madaxweyne Saciid Deni ku sameeyay Maxamuud Diyaano sanadkii 2022, markaas oo laga wareejiyay hogaanka PSF laguna bedelay xil cusub. Diyaano ayaa xilkaas diiday, taas oo sababtay in uu sameysto kooxo taabacsan oo hubeysan, kuwaasoo maamulka Puntland ku eedeeyay inay fowdo ka wadaan magaalada.

Warar ka ag dhow maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen warshadda Kabista oo lagu tuhunsanaa inay tahay xarun lagu farsameeyo maandooriye, ayna halkaas saldhig ku lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Diyaano.

Xaaladda magaalada ayaa haatan degan, balse weli waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaalku uu dib u qarxo. Ciidamada ammaanka Puntland ayaa la sheegay inay kordhiyeen heegan iyo roondada magaalada, si looga hortago falal kale oo amni darro ah.

Dadka deegaanka ayaa muujinaya walaac xoogan, waxayna ugu baaqeen dhinacyada isku haya magaalada in khilaafka lagu xalliyo si nabad ah oo laga fogaado waxyeello hor leh oo gaarta shacabka.

Magaalada Gaalkacyo ayaa horey u soo martay xiisado amni darro oo la xiriiray dagaallo u dhaxeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug, waxaana hadda la rumeysan yahay in dagaalka cusub uu yahay mid khatar weyn ku ah dadaallada lagu sugayo xasilloonida gobolka.


Share