
Anigoo yar ayaa aabahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu shiray. Waxaa la yidhii dhiggii Xuseen lama illaawi karo. Aniga iyo saddex nin ayaa hub nala siiyey oo naloo sheegay in ninka aabbahay u dhigma uu yahay nin aabahay abti u ahaa. Ninkii gurigiisii ayaan waqti Casar gaab ah nimi. Wuu na gartay oo gogol fiican noo dhigay oo markiiba wan weyn noo qalay.
Dibedda annagoo weli fadhina ayaa roob yimi. Wuxuu noo dhisay aqal laba daryaale ah oo aan roobka ka galno. Xooggii roobka ayaa aqalkii soo dhaafay oo wuu soo darrooray. Wuxuu haddana noo keenay hargo iyo gogol qurxoon oo dusha naga saaray si aan maryuhu nooga qoyin. Dhulku baraago ma lahayn oo biyuhu ma qabsoomayn marka xoolihii ayaa biyihii lagu sii daayey si intaanay dhulka u gelin ay u cabbaan.
Waxaan is nidhi waa waqtigii ugu habboonaa oo aad ninka dili lahaydeen. Anigaa qoriga xabbaddu iigu jirtaa oo qorshuhu ahaa inaan gacanta lahaado. Markaan soo kacnay ayaan idhi “War ma ninka darroor noo quudhi waayey ayaan xabbad quudhnaa, haddaanse dilo, aabahay ma ii soo noolaanayaa!” Nin ayaa igu yidhi nacasnimada awalba waa kugu ogaa. Nin kalena wuxuu yidhi mayee wallaahi adigaa naga caqli badan. Aqalkii ayaan ku noqonnay.
Casho iyo hurdo wanagsan ka dib, subixii ayuu caano geel na siiyey. Waagaas shaah lama aqoon. Waan u tegey oo waxaan idhi awal waxaan u socdey inaan ku dilo oo qoriga xabbadu waa iigu jirtey. Laakiin markaad darroortii noo quudhii weydey ayaan annaguna xabaddii kuu quudhi weyney. Hadda waxaan doonayaa inaad gabadh i siiso oo aad aabbe ii noqotid. Wuu i dhunkaday oo gabadh markaa labo jir ahayd i yidhii waa ku siiyey.
Markaan guryihii ku noqonnay dadkii na soo diray waa nagu raaceen in sida aan yeelnay ka fiican tahay dilkii. Gabadhii markay 17 sano jirsatay ayaan is guursannay. Waxay ii dhashay 14 carruur ah.”
*Waa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo cimrigiisa ku dhammaystay inuu nabad ka shaqeeyo. 10-May-2019kii ayuu ku geeriyooday Hargeysa. Ilaahay ha u naxariisto.
XIGASHO: Abdirizak Atosh