• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Wednesday, August 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Bulshada

Anigoo yar ayaa aabahay waxa dilay nin abti u ahaa, Taariikhda Aabe Dhalay Carruur 14.

Amran Mahad by Amran Mahad
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
aabahay

Wararka Ugu Aqrintabadan

Falanqeyn: dabka soo noqnoqday ee suuqyada soomaaliya iyo kalsoonida ganacsatada soomaaliyeed

Falanqeyn: dabka soo noqnoqday ee suuqyada soomaaliya iyo kalsoonida ganacsatada soomaaliyeed

3 weeks ago
Ma ogtahay in kubadda Koobka Adduunka dab la galiyo ka hor inta aysan ciyaartu bilaaban?

Ma ogtahay in kubadda Koobka Adduunka dab la galiyo ka hor inta aysan ciyaartu bilaaban?

2 months ago
Load More
Share

aabahay

Anigoo yar ayaa aabahay waxaa dilay reer kale oo aan degaan wadaagnay. Markaan soo hanaqaaday ayaa maalin reerkeennu shiray. Waxaa la yidhii dhiggii Xuseen lama illaawi karo. Aniga iyo saddex nin ayaa hub nala siiyey oo naloo sheegay in ninka aabbahay u dhigma uu yahay nin aabahay abti u ahaa. Ninkii gurigiisii ayaan waqti Casar gaab ah nimi. Wuu na gartay oo gogol fiican noo dhigay oo markiiba wan weyn noo qalay.

Dibedda annagoo weli fadhina ayaa roob yimi. Wuxuu noo dhisay aqal laba daryaale ah oo aan roobka ka galno. Xooggii roobka ayaa aqalkii soo dhaafay oo wuu soo darrooray. Wuxuu haddana noo keenay hargo iyo gogol qurxoon oo dusha naga saaray si aan maryuhu nooga qoyin. Dhulku baraago ma lahayn oo biyuhu ma qabsoomayn marka xoolihii ayaa biyihii lagu sii daayey si intaanay dhulka u gelin ay u cabbaan.

Waxaan is nidhi waa waqtigii ugu habboonaa oo aad ninka dili lahaydeen. Anigaa qoriga xabbaddu iigu jirtaa oo qorshuhu ahaa inaan gacanta lahaado. Markaan soo kacnay ayaan idhi “War ma ninka darroor noo quudhi waayey ayaan xabbad quudhnaa, haddaanse dilo, aabahay ma ii soo noolaanayaa!” Nin ayaa igu yidhi nacasnimada awalba waa kugu ogaa. Nin kalena wuxuu yidhi mayee wallaahi adigaa naga caqli badan. Aqalkii ayaan ku noqonnay.

Casho iyo hurdo wanagsan ka dib, subixii ayuu caano geel na siiyey. Waagaas shaah lama aqoon. Waan u tegey oo waxaan idhi awal waxaan u socdey inaan ku dilo oo qoriga xabbadu waa iigu jirtey. Laakiin markaad darroortii noo quudhii weydey ayaan annaguna xabaddii kuu quudhi weyney. Hadda waxaan doonayaa inaad gabadh i siiso oo aad aabbe ii noqotid. Wuu i dhunkaday oo gabadh markaa labo jir ahayd i yidhii waa ku siiyey.

Markaan guryihii ku noqonnay dadkii na soo diray waa nagu raaceen in sida aan yeelnay ka fiican tahay dilkii. Gabadhii markay 17 sano jirsatay ayaan is guursannay. Waxay ii dhashay 14 carruur ah.”

*Waa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo cimrigiisa ku dhammaystay inuu nabad ka shaqeeyo. 10-May-2019kii ayuu ku geeriyooday Hargeysa. Ilaahay ha u naxariisto.

XIGASHO: Abdirizak Atosh


Share
Tags: Cabdi WaraabeXaaji Cabdikariim Xuseen
Previous Post

DAAWO, Gabdhaha Soomaliyed badankood qudbo siro ayaa lagu guursada, Wasiirka Haweenka Somaliya, Khadija Al Makhzumi

Next Post

Gaalkacyo oo Markale Wajahaysa Xiisad Dagaal oo u Dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Kuwo general asad

Related Posts

No Content Available
Load More
Next Post
Magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo oo Markale Wajahaysa Xiisad Dagaal oo u Dhaxeysa Ciidamada Puntland iyo Kuwo general asad

Dowladda Mareykanka

Dowladda Mareykanka oo Ka Doodaysa Go'aanno Muhiim ah oo Ku Saabsan Soomaaliya

Macawiisleyda

Ciidamo Macawiisley ah oo Si Khaldan Loogu Duqeeyay Shabeellaha Dhexe

Recommended

Itoobiya oo Ciidamo Dhoobtay Xuduudda Waqooyi Iyadoo Xiisaddu Kacsan Tahay

Itoobiya oo Ciidamo Dhoobtay Xuduudda Waqooyi Iyadoo Xiisaddu Kacsan Tahay

5 months ago
Wasaaradda Tamarta oo qabatay kulanka mashruuca koronto-gelinta bulshooyinka aan korontada helin

Wasaaradda Tamarta oo qabatay kulanka mashruuca koronto-gelinta bulshooyinka aan korontada helin

5 months ago
Diyaarad sidday ciyaartooy oo ku burburtay Faransiiska iyo khasaraha

Diyaarad sidday ciyaartooy oo ku burburtay Faransiiska iyo khasaraha

1 month ago
Sacuudiga iyo laba dal oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan, dalalka ku khasaaray

Sacuudiga iyo laba dal oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan, dalalka ku khasaaray

4 months ago
Suuragal ma tahay in Madaxtooyada Baydhaba ay ilaaliyaan ciidan Soomaaliyeed?

Suuragal ma tahay in Madaxtooyada Baydhaba ay ilaaliyaan ciidan Soomaaliyeed?

4 months ago
Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

6 months ago
Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo xilli ay siyaasadda kacsan tahay

Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo xilli ay siyaasadda kacsan tahay

4 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.