Wararka24: Diyaarad ay saarnaayeen koox ciyaartooyda barafka ku dul cararta ayaa maanta ku burburtay bariga dalka Faransiiska, waxaana ku dhintay dhammaan 11-kii qof ee saarnaa.
Dadka geeriyooday ayaa isugu jiray shan macallin, shan arday oo ay tababarayeen iyo duuliyihii diyaaradda waday. Kooxdan ayaa la sheegay inay u socdeen tababar la xiriiray ciyaaraha barafka kahor inta uusan dhicin shilka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaradda ay burburtay wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha, iyadoo qaar ka mid ah ehellada iyo qaraabada dadkii saarnaa ay goobta joogeen xilliga ay dhacdadu dhacaysay.
Diyaaraddu waxay ku dhacday meel u dhow xaafad ay dad deggan yihiin, balse ma jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka ku sugnaa dhulka. Dhacdadan ayaa cabsi iyo murugo ku abuurtay bulshada deegaanka.
Kooxaha gurmadka degdegga ah iyo ciidamada ammaanka ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta, iyagoo bilaabay hawlgallada gurmadka iyo baaritaanka sababaha keenay shilka.
Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in aan weli la xaqiijin sababta rasmiga ah ee burburka diyaaradda, isla markaana baaritaanno ballaaran ay socdaan si loo ogaado waxa sababay shilka.
Dhacdadan ayaa murugo ku reebtay bahda ciyaaraha iyo bulshada Faransiiska, iyadoo la filayo in warbixin rasmi ah laga soo saaro marka ay soo gabagaboobaan baaritaannada socda.


















