
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Ka qeyb galay xuska halganki gobanimada SYL oo ka dhacday caasimada muqdisho, madaxweynaha ayaa ubax dhigay taalada SYL ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku guda jiray xuska 15-ka May ee manta ee waxa uu dhagax dhigay dhisme cusub oo ay ku shaqeyneyso Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxaa kulanka ay ku wehlinayaan mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulqaadir Cali.
Madaxweyne xassan ayaa Soomaalida ugu hanbal-yeeyey dhaliyarada maalinta qiimaha badan ee 15-ka May, isagoo ku bogaadiyay dhalinta sida kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin, hormarka dalka, iyo ciribtirka khawaarajinta.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada SYL waxa uu Xus iyo duco ugu duceeyey 13-kii dhalinyarada ahaa ee aasaaska u ahaa ururkii SYL ee Horseed-ka ahaa gobonimada dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ilaashadaan midnimadooda, wadajirkooda, iyo qarannimadooda oo ka mid ahaa aas aaskii halgankii SYL.


