Ilaalada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xoojiyay, iyado la kordhiyay tirada ciidamada gaarka ah ee ilaaliya.
Sawirro iyo muuqaallo la soo bandhigay ayaa muujinaya in socodka madaxweynaha ee gudaha Muqdisho ay hadda la socdaan gaadiid gaashaaman iyo gaadiid ay saaran yihiin hub culus, oo loo yaqaan Cabdi-bilaha.
Sidoo kale ciidamada ilaalada ayaa la arkayay iyagoo xakameynaya isu socodka gaadiidka iyo dadka ee waddooyinka uu maro kolonyada madaxweynaha.
Isbeddelkan ayaa yimid xilli ay jiraan digniino la xiriira xaaladda amni ee magaalada Muqdisho iyo dalka guud ahaan, iyo xiisad siyaasadeed oo sii kordheysa.
Taliye hore oo ka tirsan booliska Somaaliya ayaa horraantii bishan sheegay in dalku uu wajahayo xaalad amni oo u baahan feejignaan.
Hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan digniinahaas lama shaacin, mana jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada oo ku saabsan isbeddelka ilaalada.
Tallaabadan ayaa su’aalo dhalisay, maadaama Xasan Sheekh uu horey u sheegay in aan la oggolayn in gaadiid hub culus ay saaran yihiin lagu dhex wado magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa xilligaas sheegay in amniga caasimadda uu wanaagsan yahay, sidaas darteedna aan loo baahnayn tallaabooyin cabsi gelin kara dadka magaalada.
Aragtiyo kala duwan ayaa ka jira heerka ay gaarsiisan tahay xaaladda amni ee caasimadda.
Isbeddelka ilaalada ayaa imanaya xilli dalka uu ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo ku saabsan muddo xileedka iyo qaabka doorashooyinka soo socda.









