Ku xigeenka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, ayaa ka digay in bixitaanka ciidamada Uganda uu khatar gelin karo amniga magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku hareeraysan.
Sarreeye Guuto Cabdalla ayaa digniintan ku qoray bartiisa Facebook-ga Jimcihii, isagoo sheegay in bixitaankaas uu abuuri karo kal amni.
“Dalka waxaa soo food saartay khatar amni oo weyn oo aan la dhayalsan karin,” ayuu qoray.
Wuxuu intaa ku daray in ciidamada dowladdu aysan weli si buuxda ugu diyaarsanayn inay la wareegaan mas’uuliyadda ay ka tagayaan ciidamada Uganda.
“Ciidamadeennu si ku filan uguma diyaarsana inay la wareegaan mas’uuliyaddaas,” ayuu yiri.
Digniintan ayaa timid kadib markii saraakiisha milatariga Uganda ay xaqiijiyeen in kooxdii ugu horreysay ee ciidamadooda ay dalka dib ugu laabteen.
Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in bixitaanku uu bilowday 29-kii Oktoobar.
Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku jooga heshiis laba geesood ah oo ay la galeen dowladda federaalka ayaa la filayaa inay dalka ka baxaan maalmaha soo socda.
Inta kale ee ciidamada Uganda, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan howlgalka AUSSOM, ayaa si tartiib tartiib ah u bixi doona, waxaana la filayaa in bixitaankoodu uu dhammaado dhammaadka sannadka 2027.
Ciidamada Uganda ayaa haysta saldhigyo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, sida Sabiid-Caanoole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo Nagaad.
Deegaannadaas ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah ilaalinta Muqdisho.
Howlgalka AUSSOM ayaa qorsheynaya inuu la wareego afartaas saldhig inta lagu jiro wareegga ciidamada ee bishan, hase yeeshee weli si cad looma garanayo cidda si joogto ah u haysan doonta.
Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007, xilligii howlgalkii AMISOM.
Ciidamadeeda ayaa muddo ku dhow 20 sano door weyn ka qaatay ilaalinta dowladda, sugidda amniga Muqdisho iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Khubaro amni ayaa sheegay in yaraanta maalgelinta howlgalka ay dardar gelisay go’aanka Uganda.
Midowga Afrika ayaa horey uga digay in dhimista maalgelinta ay wiiqi karto taageerada howlgalka xilliga wareejinta amniga.
Ilaa hadda lama hayo jawaab ka timid dowladda federaalka oo ku saabsan digniinta Ku xigeenka Taliyaha Booliska.









