
Algiers, Algeria – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) Maxamed Nuur, ayaa jimcihi gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb galay Shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaanada Garsoorka.
Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Algiers, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo si gaar ah uga hadli doona muhiimadda shirkan uu u leeyahay Soomaaliya iyo doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadaneyso arrimaha Carabta, gaar ahaan xaaladda ka taagan Falastiin oo kamid ah qodobada ugu waa weyn ee diiradda la saari doono.
Inta uu ku sugan yahay Algeria, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda sare ee dalka Algeria iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta ee ka qeyb galaya shirka.
Wararka ku saabsan shirkan iyo kulamada uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe la yeelan doono madaxda kale, kala soco Wararka24.
Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (HSJ) ayaa beenisay warqad baraha bulshada lagu faafiyay, oo sheegaysay in dowladdu ay muwaadiniinta Somaliyeed ka mamnucday inay u safraan Imaaraadka Carabta. “Warqaddaan waa been abuur, kamana soo bixin Hay’adda Socdaalka…
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareKudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.Ciidamada gaarka ah ee Danab ayaa sheegay inay howlgallo ay ka fuliyeen koonfurta deegaanka Leego ku dileen ilaa 21 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Leego ayaa ku taalla xadka u dhexeeya gobollada Baay iyo Shabeellaha Hoose, qiyaastii 110…











