Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in ciidamadiisu ay xireen darawalkii Jeneraal Peter Elwelu, ku-xigeenkii hore ee taliyaha ciidamada, isla markaana ay qabsadeen hub dheeraad ah oo uu sheegay in Elwelu meelo kala duwan ku qarsaday.
Muhoozi ayaa arrintan ku shaaciyay qoraal uu Khamiistii ku baahiyay barta X. “Waxaan sidoo kale xirnay darawalkiisa, waxaana la wareegnay gaarigii ugu dambeeyay ee uu isticmaalayay,” ayuu yiri.
“Qof kasta oo si uun u caawiya baxsadkan wuxuu la kulmi doonaa cawaaqib culus,” ayuu raaciyay. Muhoozi ma uusan shaacin magaca darawalka, meesha lagu xiray iyo tirada hubka la qabtay.
Muhoozi oo Elwelu ka qaaday darajooyinkiisa
Tallaabooyinkan ayaa yimid laba maalmood kadib markii Muhoozi uu Talaadadii barta X ku sheegay inuu Elwelu ka qaaday darajooyinkiisa, isagoo darajada Lieutenant General ka celiyay darajada askari. Wuxuu sidoo kale sheegay in la xiray xaaskiisa iyo in ka badan 20 askari oo hore oo uu Elwelu hoggaamin jiray, sida ay werisay Daily Monitor.
Muhoozi ayaa Elwelu ku tilmaamay khaa’in, wuxuuna sheegay inuu haysto saacado uu isku dhiibo, haddii kale lagu dhawaaqi doono inuu yahay jabhad. Wuxuu sheegay in hub iyo rasaas badan laga helay mid ka mid ah guryaha Elwelu ee gobolka Teso.
Hase yeeshee, Daily Monitor ayaa xusay in go’aanka hoos u dhigista darajada aysan taageerin kanaalada rasmiga ah ee ciidamada. Sida uu dhigayo sharciga UPDF, sarkaal darajo leh laguma hoos dhigi karo darajadiisa asalka ah, haddii aanu jirin xukun ka soo baxa maxkamad ciidan oo awood leh, oo ay xaqiijiso Taliska Sare.
Elwelu oo dhuumasho galay
Elwelu, oo ku-xigeenka taliyaha ciidamada ahaa intii u dhexeysay Juun 2021 ilaa Maarso 2024, kana fariistay ciidamada Agoosto 2025, si fagaare ah ugama jawaabin eedeymaha. Qof ka mid ah qaraabadiisa ayaa Daily Monitor u sheegay inuu dhuumasho galay, isagoo ka baqaya noloshiisa. Warar kale ayaa sheegaya inuu dalka ka baxay, balse taas lama xaqiijin.
Ciidamada UPDF ayaa ka mid ah ciidamada ugu badan ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika. Uganda ayaa horey u sheegtay inay ciidamadeeda ka saari doonto Soomaaliya 2027.









