Wararka24: Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa gaaray magaalada Zalambessa ee ku taalla xadka Eritrea, kaddib markii ay dib u riixeen xoogagga fallaagada Tigray, sida ay Reuters u sheegeen ilo xog-ogaal ah. Dhaqdhaqaaqa ciidamada ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ay isu beddesho dagaal toos ah.
Lix ilo-wareed, oo ay ku jiraan dad xiriir la leh deegaanka, diblomaasi iyo khabiir ku xeeldheer colaadda, ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay Talaadadii gaareen Zalambessa, oo ay ku nool yihiin qiyaastii 15,000 oo qof. Magaaladan ayaa horay gacanta ugu jirtay xoogagga Tigray, balse ciidamada federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday weerarro ay dib ugu qabsanayaan deegaannadii ay lumiyeen.
Goobjoogayaal iyo hay’adda ACLED oo la socota colaadaha ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay toddobaadkii hore gudaha u galeen Zalambessa si ay u taageeraan xoogagga Tigray. ACLED ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaadka dowladda taageera ee Tigray Peace Force ay Isniintii la wareegeen Zalambessa iyo deegaanka Fatsi, halka ciidamada Eritrea ay dib uga gudbeen xadka. Si kastaba, lama xaqiijin in dhammaan ciidamada Eritrea iyo xoogaggii ay taageerayeen ay magaalada ka baxeen.
Dowladda Itoobiya oo wax war ah ka soo sarin in ay la wareegtay magaalada
Dowladda Itoobiya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin wararka ku saabsan in si buuxda ay ula wareegtay magaalada. Dagaallada waqooyiga dalka ayaa dib u qarxay bishii Sebtembar, kaddib weerarro uu isbahaysi fallaago ah oo uu hoggaaminayo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ku qaaday ciidamada dowladda.
Xiisadda milatari ayaa barbar socota muran diblomaasiyadeed oo labada dal u gudbiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageerto fallaagada, isla markaana ciidamadeedu ay gudaha u galeen dhulkeeda masaafo dhan 60 kiiloomitir. Addis Ababa waxay sheegtay in joogitaanka ciidamada shisheeye uu ku khasbayo inay qaaddo tallaabooyin is-difaac ah.
Eritrea ayaa eedeymahaas beenisay, iyadoo Itoobiya ku eedeysay inay raadineyso marmarsiiyo ay dagaal ku qaaddo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Eritrea, Osman Saleh, ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday inuu cambaareeyo waxa uu ku tilmaamay hanjabaadaha militari ee Itoobiya, isla markaana qaado tallaabooyin looga hortagayo dagaal.
Abiy Ahmed oo si dadban u raaadinaya xeebihii ay isticmaali jirtay Itoobiya markii Eritrea ay xornimada qaadatay 1993
Xiisadda ayaa sidoo kale la xiriirta muranka marin-badeedka. Itoobiya waxay lumisay xeebihii ay isticmaali jirtay markii Eritrea ay xornimada qaadatay 1993, waxayna tan iyo markaas ku tiirsanayd dekedaha dalalka deriska ah. Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa ku adkeystay in marin-badeedku muhiim u yahay dhaqaalaha Itoobiya, halka Eritrea ay walaac ka muujisay hadalladaas oo ay u aragto kuwo halis ku ah madax-bannaanideeda.
Labada dal ayaa heshiis nabadeed gaaray 2018, Eritreana waxay ciidamada Itoobiya ka garab dagaallantay dagaalkii Tigray ee 2020 ilaa 2022. Hase yeeshee, xiriirkooda ayaa mar kale xumaaday, waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo in dagaallada gudaha Itoobiya ay isu beddelaan iska horimaad goboleed









