Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Marooko oo magacawday haweeneydii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare noqota

Boqorka Marooko, Mohammed VI, ayaa 29-kii Sebtembar 2026 u magacaabay Fatima Ezzahra El Mansouri inay noqoto Ra’iisul Wasaaraha dalka, taasoo ka dhigeysa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata taariikhda Marooko. Magacaabista ayaa timid kaddib markii xisbiga ay ka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 30, 2026, 11:43 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Marooko oo magacawday haweeneydii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare noqota
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Boqorka Marooko, Mohammed VI, ayaa 29-kii Sebtembar 2026 u magacaabay Fatima Ezzahra El Mansouri inay noqoto Ra’iisul Wasaaraha dalka, taasoo ka dhigeysa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata taariikhda Marooko. Magacaabista ayaa timid kaddib markii xisbiga ay ka tirsan tahay ee Authenticity and Modernity Party (PAM) uu ku guuleystay kuraasta ugu badan doorashadii baarlamaanka ee 23-kii Sebtembar.

Xilalka hore ee Fatima Ezzahra El Mansouri

El Mansouri oo 50 jir ah ayaa sidoo kale ah duqa magaalada Marrakesh, waxayna horey u soo noqotay wasiirka qorsheynta dhulka, qorsheynta magaalooyinka iyo guryeynta. Boqorka ayaa u xil saaray inay soo dhisto dowladda cusub, iyadoo ay hadda bilaabanayaan wada-hadallo ku saabsan sameynta isbahaysiga baarlamaanka.

Xisbiga PAM ayaa helay 97 ka mid ah 395-ka kursi ee Golaha Wakiillada, taasoo ka dhigan in uusan haysan aqlabiyadda 198-ka kursi ee loo baahan yahay. Sidaas darteed, El Mansouri waxay u baahan doontaa inay heshiisyo la gaarto xisbiyo kale si ay u dhisto dowlad haysata taageero baarlamaan.

Sida ku cad dastuurka Marooko, boqorka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka soo magacaaba xisbiga hela kuraasta ugu badan doorashada Golaha Wakiillada. Kadib marka la magacaabo madaxa xukuumadda, xubnaha dowladda ayaa boqorka magacabayaa iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu kaalin ku leeyahay dhismaheeda.

El Mansouri oo noqotay Haweeneydii labaad ee Carabta iyo Africa ka qabata xilka Ra’iisul Wasaaraha,

Magacaabista El Mansouri ayaa sidoo kale ka dhigtay haweeneydii labaad ee Carabta iyo Africa ka qabata xilka Ra’iisul Wasaaraha, kaddib Najla Bouden oo Tunisia xilkaas haysay intii u dhaxaysay 2021 iyo 2023.

El Mansouri waa qareen wax ku bartay Jaamacadda Mohammed V ee Rabat, iyadoo waxbarashadeeda sare ku sii wadatay dibadda. Waxay siyaasadda kaga soo biirtay xisbiga PAM kaddib markii la aas-aasay 2008, waxaana 2009 loo doortay inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee duqa ka noqota Marrakesh.

Doorashadii 23-ka Sebtembar ayaay ku guuleysatay kaalinta koowaad, halka National Rally of Independents (RNI) uu helay 66 kursi, Istiqlal-na 65 kursi. Xisbiga Justice and Development Party (PJD) ayaa helay 54 kursi, kaddib markii uu doorashadii hore ku lahaa 13 kursi.

Dowladda cusub waxay xilka la wareegaysaa xilli Marooko ay diyaargarow ugu jirto martigelinta Koobka Adduunka 2030 oo ay si wadajir ah ula qabanayso Spain iyo Portugal. El Mansouri ayaa sidoo kale wajihi doonta arrimo gudaha ah oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, qiimaha nolosha iyo baahida loo qabo horumarinta adeegyada bulshada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

2 days ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

2 days ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

2 days ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

2 days ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

3 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

4 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

4 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.