Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Turkiga iyo Pakistan oo taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudiga

Turkiga iyo Pakistan ayaa taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudi Carabiya, iyadoo Riyadh ay dalbatay kulan degdeg ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska difaaca wadajirka ah ee saddexda dal, xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen.

Abdullahi salad olow by Abdullahi salad olow
September 26, 2026, 9:34 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Turkiga iyo Pakistan oo taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudiga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Turkiga iyo Pakistan ayaa taliyeyaashooda ugu sarreeya ciidamada u diraya Sacuudi Carabiya, iyadoo Riyadh ay dalbatay kulan degdeg ah oo looga hadlayo hirgelinta heshiiska difaaca wadajirka ah ee saddexda dal, xilli ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa sheegtay in Taliyaha Guud ee Ciidamada, General Selçuk Bayraktaroğlu, uu u safrayo Riyadh si uu uga qeyb galo shirka taliyeyaasha ciidamada ee dalalka ku mideysan heshiiska. Taliyaha ciidamada Pakistan, Field Marshal Asim Munir, ayaa sidoo kale la filayaa inuu gaaro Sacuudiga, inkastoo Islamabad aysan weli si rasmi ah u xaqiijin safarkiisa.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Xuutiyiintu ay kordhiyeen weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku beegsanayaan gudaha Sacuudi Carabiya. Xuutiyiinta ayaa sheegay inay weerareen bartilmaameedyo ay ku jiraan xarumo la xiriira shirkadda shidaalka Saudi Aramco ee Yanbu iyo goob ku taalla Riyadh.

Sacuudi Carabiya ayaa dhankeeda sheegtay in ciidamadeeda difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen lix gantaal oo ballistic ah oo ku wajahnaa Taif iyo Yanbu. Riyadh ayaa sidoo kale kordhisay digniinaha amniga ee magaalooyinka ay suuragalka tahay in weerarradu gaaraan.

Iskaashiga difaaca ee Maka

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa 7-dii Agoosto ku kala saxiixday magaalada Maka heshiis difaac wadajir ah, kaas oo dhigaya in weerar hubeysan oo lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal loo tixgelin karo weerar lagu qaaday dhammaantood. Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in saddexda dal ay xoojiyaan iskaashiga iyo awoodaha wadajirka ah ee difaaca.

Dhammaadkii Agoosto, wasiirrada arrimaha dibadda iyo difaaca iyo taliyeyaasha ciidamada ee saddexda dal ayaa Istanbul ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee la xiriira hirgelinta heshiiska. Waxaa la isku raacay in Riyadh laga sameeyo xoghayn joogto ah oo qaabilsan hawlaha heshiiska.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal ayaa Khamiistii ku kulmay New York, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka iyo diyaarinta shirka taliyeyaasha ciidamada. Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in wada-hadalladu diiradda saarayaan sidii loo xoojin lahaa difaaca boqortooyada iyadoo laga faa’iideysanayo heshiiska cusub.

Xutiyiinta oo farriin digniin ah diray

Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa uga digay Turkiga iyo Pakistan inay si toos ah uga qeyb qaataan dagaalka Yemen. Mohammed al-Bukhaiti oo ka tirsan hoggaanka siyaasadeed ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in kooxda ay jawaab ka bixin doonto haddii labada dal ay milateri ahaan ugu biiraan dagaalka.

Si kastaba, weli lama caddeyn nooca taageero milateri ee Turkiga iyo Pakistan ay diyaar u yihiin inay siiyaan Sacuudi Carabiya. Shirka Riyadh ayaa noqon kara mid muujinaya sida heshiiska difaaca loogu dabaqi doono xaaladda amni ee hadda ka jirta gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

5 hours ago
Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

5 hours ago
Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

5 hours ago
Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

5 hours ago
Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

23 hours ago
Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

24 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

24 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.