• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, October 12, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

MD Xasan Sheekh Qof naga maqan oo lasugayo malahan, Anigana Waa I Kanaa!

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud
Share

Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud

Raage Ceele, Shabeellaha Dhexe – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Talaadadii ciidanka Macawiisley ee ku sugan Degmada Raage Ceele ugu baaqay inay si firfircoon uga qayb qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo caddeeyay in uu isagu iyo maamulkiisa ay halkaa joogaan oo aan cidna ka maqan doonin.

“Ma Jiro Qof Dambe U Sugaya – Waa I Kanaa!”

Madaxweynuhu wuxuu si adag u sheegay in uu isagu, golaha wasiiradu, iyo saraakiisha ciidamadu ay goobta dagaalka joogaan, isagoo sheegay in qof danbe oo lasugaayo uusan jiran

“Ciidankii iyo Saraakiishii Dowladda waa joogaan, anigoo Madaxweynihii Jamhuuriyadda dadka ugu sarreyay waa i kanaa! Qof maqan ma jirto oo la sugayo… Waa i kanaa, wax iga dambeeyo oo dhan waa sugeysiin – Wasiiraa sugeysiin, jananaa sugeysiin – waa la idiin wada imaanaa!”

“Guul kasta oo Shabaab laga gaaro waa mid Soomaaliyeed!”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in guusha lagula jiro Al-Shabaab ay tahay mid waddanimo leh, kana wada dhaxeeyso deegaannada Soomaaliyeed oo dhan:

“Guushiina ogaada, guushiinu guul Soomaaliyeed waaye – min Raas Kambooni illaa Looya-cadde! Meel kasta oo Khawaarij joogto, guusha laga keeno waa guul Soomaaliyeed. Haddii ay tahay Puntland oo buuraha lagula dagaalamayo Daacish, guusha ka timaado waan leenahay – annagaa iska leh!”

Baaq Mug leh oo Loo Diyaariyay Dagaalka

Madaxweynaha ayaa ciidanka Macawiisley ugu baaqay inay si xoojisan uga qayb qaataan howlgallada Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu ballan qaaday in uu marar badan ku soo noqon doono goobta:

“Ballanaa wada galnay inaad dagaalka Shabaab gashaan. Geedkan in badanaa isugu soo noqnoqonaynaa, haddii Alle yiraahdo!”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Raage Ceele uga sii Gudbay Cadale

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Raage Ceele uga sii gudbay Degmada Cadale, halkaas oo uu sii wadi doono abaabulka howlgallada ee lagula jiro Al-Shabaab. Dowladda Federaalka ayaa sii xoojinaysa dagaalka argagixisada, iyadoo ciidamada Xoogga Dalka, Macawiisley, iyo kooxaha AMISOM ay ku tababaran wiiqida Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

📌 Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah


Share
Tags: Hassan sheekhMadax weynaha Xasan SheekhShabeellaha Dhexewararka mantawararka somalia
Previous Post

Laascaanood: Taariikh, Dagaal, iyo Saameynka Siyaasadeed 60kii sano ugu danbeeyey (1960–2025)

Next Post

War degdeg, Shabaab Oo lawareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud + fahfaahin

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
shabaab

War degdeg, Shabaab Oo lawareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud + fahfaahin

Xuuthiyiinta Yemen

Xuuthiyiinta Yemen oo Weeraray Garoonka Diyaaradaha Tel Aviv ee israel + faahfaahin

sirdoonka Mareykanka

Sirdoonka Mareykanka CIA oo Xafiis ka Furatay Boosaaso,

Recommended

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cabasho sheegay isticmaalka (AI) garaadka macmalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cabasho sheegay isticmaalka (AI) garaadka macmalka.

2 weeks ago
Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

Puntland oo sheegtay inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 month ago
Ganacsade caan ah oo lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo

Ganacsade caan ah oo lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo

4 weeks ago
Cabbaas Araghchi

Cabbaas Araghchi oo kusugan Pakistan si xal looga gaaro Xisada India iyo Pakistan

5 months ago
Maamulka Puntland

Puntland oo Dib Ugu Biirtay Wadahadallada Dowladda Federaalka

5 months ago
Al-Shabaab

Faahfaahin: Shabaab oo ku dhamaaday qarax ay sameynayeen, Deegaanka Laba Garas

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.