Wararka24: Afhayeenka madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhaba.
Ugaas Xasan oo ku sugan bannaanka Baydhaba ayaa si gaar ah uga hadlay diyaaradaha dagaalka iyo gaadiidka ciidan ee uu sheegay in loo adeegsanayo deegaannada Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in isticmaalka diyaaradaha iyo qalabka shisheeye uusan wax ka beddeli karin waxa uu ku tilmaamay xaaladda ka taagan maamulka.
Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in go’aanka ku saabsan mustaqbalka Koonfur Galbeed uu leeyahay shacabka deegaanka, isagoo sheegay in aan dhinac kale loo oggolaan karin inuu kaligiis go’aan kama dambeys ah ka gaaro masiirka maamulka.
“Dalkeenna iyo deegaannadeenna Koonfur Galbeed waa hanti ay masiirkooda ka talinayaan dadka reer Koonfur Galbeed. Diyaarado iyo gaadiid shisheeye waad keensan kartaan, laakiin go’aanka iyo masiirka deegaannada Koonfur Galbeed wuxuu gacanta ugu jiraa dadkeena,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi.
Hadalka afhayeenka ayaa sidoo kale muujiyay mowqifka garabka Laftagareen ee ku aaddan joogitaanka ciidamo iyo qalab ciidan oo dibadda laga keenay. Wuxuu sheegay in arrimaha siyaasadda iyo maamulka Koonfur Galbeed lagu saleeyo rabitaanka iyo go’aanka shacabka deegaanka.
Ugaas Xasan ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka ku nool Koonfur Galbeed inay muujiyaan feejignaan iyo isku-duubni, xilli ay jiraan xaalado siyaasadeed iyo amni oo sii kordhaya. Wuxuu sheegay in midnimada shacabka ay muhiim u tahay marxaladda hadda taagan.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Baydhaba iyo deegaanada ku dhow ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa dhinacyo ku loollamaya maamulka Koonfur Galbeed. Arrimaha la isku hayo waxaa ka mid ah maamulka magaalada, amniga iyo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dowlad-goboleedka.







