Wararka24: Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay in dowladdiisu aysan oggolaan doonin faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalka, isagoo adkeeyay in madax-bannaanida iyo awoodda Jabuuti u leedahay inay si madaxbannaan go’aannadeeda u gaarto aysan ahayn wax laga gorgortami karo.
Madaxweyne Geelle ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Cali-Sabiix, kaddib markii uu soo dhammaaday shir siyaasadeed oo muddo saddex maalmood ah ay yeesheen xubnaha Xisbiga Isu-soo-baxa Shacabka ee Horumarka (RPP), oo ah xisbiga talada haya.
Waxa uu sheegay in Jabuuti ay mudnaanta siinayso ilaalinta madax-bannaanida go’aan-qaadashada, xoojinta amniga gudaha iyo dhowrista isku-duubnida bulshada, xilli gobolka Geeska Afrika iyo Badda Cas ay ka jiraan loollan siyaasadeed iyo amni oo sii kordhaya.
“Arrimaha gudaha Jabuuti waxaa iska leh shacabka iyo dowladda Jabuuti. Uma oggolaan doonno cidna inay farageliso ama ku soo xadgudubto arrimaheenna gudaha,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu sii wadi doonto maalgelinta waxbarashada, horumarinta xirfadaha iyo tayeynta awoodda muwaadiniinta, si loo dhiso dal awood u leh inuu si madaxbannaan uga jawaabo caqabadaha mustaqbalka.
Hadallada Geelle ayaa kusoo beegmaya xilli Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas ay ka jiraan loollan ay ku lug leeyihiin dalal iyo quwado shisheeye oo dano kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Si kastaba, Madaxweyne Geelle si gaar ah uma magacaabin dalka ama dhinaca uu uga digayay faragelinta. Sidoo kale ma uusan sheegin cid ay dowladdiisu xilligan khilaaf siyaasadeed ama diblomaasiyadeed kala dhexeeyo, balse wuxuu si guud u caddeeyay mowqifka Jabuuti ee ku aaddan faragelin kasta oo dibadda kaga timaadda arrimaheeda gudaha.







