Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Xildhibaan Gavin Williamson oo Caalamka ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa si cad ugu baaqay beesha caalamka inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, isagoo sheegay in maamulkaasi uu buuxiyay shuruudihii dawladnimada madaxbannaan.

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
May 21, 2025, 12:50 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Gavin Williamson
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.
Gavin Williamson

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Boqortooyada Ingiriiska ayaa si cad ugu baaqay beesha caalamka inay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, isagoo sheegay in maamulkaasi uu buuxiyay shuruudihii dawladnimada madaxbannaan.

Williamson ayaa hadalkan jeediyay xilli uu ka qeybgalayay xuska 18-ka May ee lagu qabtay magaalada London, munaasabaddaas oo lagu xusayey sannad-guuradii 34-aad ee kasoo wareegtay markii Somaliland ay sheegtay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Xildhibaanka oo horey u soo noqday wasiir difaac ayaa Somaliland ku sifeeyay meel xasilloon oo dimuqraadiyadeed, isagoo sheegay in muddada ay goonida isu taagtay ay horumar ballaaran ka samaysay dhinacyada amniga, doorashooyinka xor ah, iyo maamulka dowladnimo.

Somaliland waxay noqotay tusaale wanaagsan oo laga baran karo xasilooni iyo hoggaan wanaagsan, halka Soomaaliya ay wali la tacaalayso rabshado, musuqmaasuq iyo argagixiso,” ayuu yiri Gavin Williamson oo si adag uga hadlay farqiga u dhexeeya labada maamul.

Sidoo kale wuxuu dalalka muhiimka ah sida Ingiriiska, Maraykanka, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya ugu baaqay inay aqoonsi buuxa siiyaan Somaliland, isagoo tilmaamay in beesha caalamka aysan dib u dhigi karin xuquuqda shacabka Somaliland ee ah inay noqdaan dal madax bannaan.

Xildhibaan Gavin Williamson ayaa si gaar ah u xusay in Somaliland ay qabatay doorashooyin xor ah oo lagu kala guuleystay si nabad ah, taasoo uu ku tilmaamay guul dhif iyo naadir ah oo ka dhacday Geeska Afrika.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 hour ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

2 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

3 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.