• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 4 mins read
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Talyaaniga, kaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyadoo labada dhinac ay isla soo qaadeen muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga labada dowladood.

Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimo la xiriira amniga, horumarinta hay’adaha dowladda, maareynta socdaalka iyo xuduudaha, iyo sidii loo ballaarin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa labada dal.

Labada dhinac ayaa sidoo kale falanqeeyay fursadaha lagu xoojin karo iskaashi istaraatiiji ah oo ku dhisan danaha wadaagga ah, si kor loogu qaado xiriirka siyaasadeed iyo kan horumarineed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Rome.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xiriirka ay la leedahay Talyaaniga, isaga oo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo door weyn ka qaatay taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa xusay in iskaashiga labada dal uu wax badan ka taray dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida, kobcinta awoodda hay’adaha dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi ayaa muujiyay sida dowladda Talyaanigu uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, maamulka iyo horumarinta hay’adaha.

Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa leh xiriir diblomaasiyadeed oo soo jiray muddo dheer, waxaana sanadihii dambe sii xoogeysanayay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, horumarinta adeegyada dowladda iyo arrimaha socdaalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.