• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya Itoobiya

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya Itoobiya
Share

Wararka24: 13-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, si uu uga qeyb galo Shirka 39-aad ee Madaxweynayaasha iyo Madaxda Dowladaha Midowga Afrika (AU).

Inta uu socdo shirka, madaxweynaha ayaa jeedin doona khudbad uu kaga hadlayo xaaladda guud ee Soomaaliya, isaga oo si gaar ah diiradda u saari doona guulaha laga gaaray dhinaca amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda Federaalka ee ka dhanka ah faragelinta shisheeye, gaar ahaan eedaymaha la xiriira aqoonsi sharci-darro ah oo Israa’iil siisay Somaliland, taas oo Muqdisho u aragto xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Shirka Midowga Afrika waxaa ka qeyb galaya hoggaamiyeyaasha 55-ka dal ee qaaradda Afrika, waxaana ajandaha diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo xasilloonida siyaasadeed ee qaaradda. Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro qaraarro iyo go’aanno lagu xoojinayo wadajirka Afrika ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Inta uu ku sugan yahay Addis Ababa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu kulamo gaar-gaar ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda dalalka ka qeyb galaya shirka, kuwaas oo lagu xoojin doono xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.