Wararka24: 2-02-2026 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ka hadlay muhiimadda Aqoonsiga Qaranka, isaga oo farriin toos ah u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay u qaataan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku booriyay shacabka in kaarkani uu yahay laf-dhabar u ah dowlad-dhisidda, sugidda amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka.
Wuxuu xusay in Aqoonsiga Qaranku uusan ahayn kaar keliya, balse uu yahay astaan muujinaysa muwaaddinimada qofka, isla markaana u suurtagelinaysa helidda adeegyada dowladda iyo difaac sharci ah.
“Dadkaygoow, Aqoonsi-Qaran ma ahan kaar oo keliya, ee waa astaan muhiim ah oo muujinaya muwaaddinimadaada,” ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, isaga oo intaas ku daray in nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA uu yahay tallaabo istaraatiiji ah oo lagu dhisayo dowladnimo casri ah.
Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in sannado badan ay jireen dhibaatooyin ka dhashay waraaqo been-abuur ah iyo suuqyo sharci darro ah, kuwaas oo saameyn ku yeeshay amniga iyo sumcadda dalka.
Wuxuu tilmaamay in in ka badan hal milyan oo qof ay horey u qaateen kaarka Aqoonsiga Qaranka, isla markaana laga hirgeliyay degmooyin badan oo dalka ka mid ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku dhiirrigeliyay muwaadiniinta inay ka faa’iideystaan fursadda qaadashada kaarka oo hadda ah mid lacag la’aan ah, isaga oo xusay in kaarku muhiim u yahay mustaqbalka dalka, amniga guud iyo kobaca dhaqaalaha.


















