Wararka24: Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay aqoon isweydaarsi ku saabsan qiimeynta khatarta musuqmaasuqa, kaas oo socday intii u dhexeysay 30-ka Maarso ilaa 1-da Abriil 2026.
Aqoon isweydaarsigan ayaa qayb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, iyadoo diiradda la saaray habraacyada ka hortagga musuqmaasuqa.
Mas’uuliyiinta xafiiska ayaa sheegay in tababarkan uu sare u qaadayo awoodda hay’adaha dowliga ah ee la xiriirta ogaanshaha iyo yareynta khataraha musuqmaasuqa.
Hirgelinta aqoon isweydaarsigan ayaa lagu sheegay inay ku timid iskaashi u dhexeeya Xafiiska Hantidhowrka Guud iyo Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNODC.
UNODC ayaa bixisay taageero farsamo oo la xiriirta aqoonta iyo hababka qiimeynta khataraha, halka Xafiiska Hantidhowrka uu hoggaaminayay fulinta iyo jihaynta tababarka.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta nidaamka maaliyadeed ee dalka iyo kor u qaadista kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda.
























