Wararka24: Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cali Xoosh ayaa ugu baaqay dowladda, hay’adaha samafalka, ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed inay si degdeg ah ugu diyaar garoobaan xaalado bini’aadantinimo oo laga cabsi qabo inay dalka ka dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin fatahaado iyo abaaro.
Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in saadaasha laga helayo xaaladaha cimilada ay muujinayaan duruufo adag oo Soomaaliya ka dhici kara. Wuxuu Alle ka baryay in xaaladaha la filayo ay noqdaan kuwo ka fudud sida saadaashu tilmaamayso.
Cali Xoosh ayaa si gaar ah ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee awoodda dhaqaale leh, hay’adaha samafalka iyo dowladaha taageera Soomaaliya inay ka qayb qaataan dadaallada loogu diyaar garoobayo xaaladaha bini’aadantinimo ee la saadaalinayo.
Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo shaqaalaheeda, isagoo sheegay inay ku jiraan diyaar-garow ku aaddan wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee dalka.
Dhanka kale, Xoosh ayaa ku adkeeyay hay’adaha dowladda iyo kuwa ka shaqeeya gurmadka muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-duwidda hawlaha. Wuxuu sheegay in laga fogaado in hay’ado kala duwan ay si is-barbar yaac ah uga shaqeeyaan gurmadka musiibooyinka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in SoDMA loo daayo hoggaaminta iyo isku-duwidda howlaha gurmadka, si loo helo nidaam mideysan oo wax looga qabanayo xaaladaha degdegga ah. Sida uu sheegay, isku-duwidda wanaagsan ayaa muhiim u ah in gargaarku si hufan u gaaro dadka ay xaaladuhu saameeyaan.
Cali Xoosh ayaa sidoo kale soo dhaweeyay guddiga loo dhisay sanduuqa gurmadka, isagoo sheegay inuu rajeynayo in guddigu door muuqda ka qaato diyaar-garowga iyo wax ka qabashada xaaladaha la filayo.
Wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha dadaallada lagu xoojinayo diyaar-garowga bani’aadantinimo, sidoo kale wuxuu bogaadiyay ganacsatada iyo dadka kale ee booqday xarunta SoDMA.
Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isku garab istaagaan xilliyada adag, gaar ahaan dadka iyo ganacsatada awoodda u leh inay gacan ka geystaan gurmadka. Wuxuu sheegay in iskaashiga bulshada uu muhiim u yahay in dalka si wadajir ah looga gudbo xaaladaha adag ee la filayo.







