Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Uganda oo taliye ku-xigeen cusub u magacowday ciidankeeda AUSSOM

Ciidamada Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay taliye ku-xigeen cusub, kadib munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta ciidanka ee howlgalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 2, 2026, 2:41 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Uganda oo taliye ku-xigeen cusub u magacowday ciidankeeda AUSSOM
Share

Wararka24: Ciidamada Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay taliye ku-xigeen cusub, kadib munaasabad xil wareejin ah oo lagu qabtay xarunta ciidanka ee howlgalka.

Korneyl Jude Rukubya ayaa xilka kala wareegay Korneyl Francis Obita Aragamoi, oo soo gabagabeeyay muddadii uu ka tirsanaa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa guddoomiyay Taliyaha Ciidanka Uganda ee AUSSOM, Sareeye Guuto Jackson Kayanja, kaas oo ku ammaanay taliyihii hore doorkii uu ka qaatay howlgalada amniga iyo xasilinta ee laga fuliyay Soomaaliya.

Kayanja ayaa sheegay in hawlgallada loogu magac daray Silent Storm, Hidden Sword iyo Rolling Thunder ay gacan ka geysteen dib u soo celinta iyo sugidda amniga deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Sabiid iyo Canoole, Bariire, Awdheegle, Mubaarak, Daarusalaam, Jariib iyo Dhanaane.

Dhankiisa, Korneyl Francis Obita Aragamoi ayaa uga mahadceliyay hoggaanka ciidamada Uganda kalsoonidii ay siiyeen iyo fursaddii uu ugu adeegay howlgalka Soomaaliya, isaga oo xusay taageerada uu ka helay saraakiisha iyo ciidamada intii uu xilka hayay.

Taliyaha cusub, Korneyl Jude Rukubya, ayaa ballan qaaday inuu sii ambaqaadi doono dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo sheegay in wadajir, anshax iyo xirfad ay saldhig u noqon doonaan howlaha ciidanka Uganda ee ka tirsan AUSSOM.

Howlgalka AUSSOM ayaa door muhiim ah ka qaata taageerada ciidamada amniga Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida dalka, iyadoo ciidamada Uganda ay ka mid yihiin kuwa ugu badan ee ku sugan howlgalka Midowga Afrika.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.