Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo farageliyay kiis ka dhacay isbital ku yaala Muqdisho

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu farageliyay kiis la xiriira hooyo iyo ilmaheeda oo lagu hayay isbitaal ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, kaddib markii qoysku awoodi waayay bixinta kharashaadka caafimaadka iyo jiifka. Boolisku waxay sheegeen in…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 29, 2026, 5:56 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo farageliyay kiis ka dhacay isbital ku yaala Muqdisho
Share

Wararka24: Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu farageliyay kiis la xiriira hooyo iyo ilmaheeda oo lagu hayay isbitaal ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Muqdisho, kaddib markii qoysku awoodi waayay bixinta kharashaadka caafimaadka iyo jiifka. Boolisku waxay sheegeen in dhacdadu ay keentay is-mariwaa u dhexeeyay ciidanka iyo maamulka isbitaalka.

Sida uu Taliska sheegay, hooyada oo lagu magacaabo Zamzam Maxamuud Cilmi ayaa 19-kii Sebtembar 2026 tagtay isbitaalka, halkaas oo qalliin loogu sameeyay. Maalintii xigtay, 20-kii Sebtembar, ayay dhashay wiil, iyadoo qoyskeedu markii dambe sheegay inay la kulmeen caqabado dhaqaale oo ku saabsan kharashaadka daaweynta iyo jiifka.

Boolisku waxay sheegeen in maamulka isbitaalku uu dacwad ka gudbiyay aabbaha ilmaha, kaas oo la xiray kadib markii qoysku awoodi waayeen bixinta lacagaha lagu lahaa. Sida war-saxaafadeedka Booliska lagu sheegay, 28-kii Sebtembar Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar horkeenis ah oo lagu faray in hooyada iyo ilmaheeda laga soo saaro xaaladda ay ku jireen.

Ciidamada Booliska ayaa sheegay inay amarka gaarsiiyeen maamulka isbitaalka, ayna ku amreen in hooyada iyo ilmaha la fasaxo. Hase yeeshee, sida uu Taliska sheegay, maamulka isbitaalku wuu diiday, isagoo ku adkaystay in aan hooyada iyo ilmaha la sii dayn karin ilaa laga bixiyo lacagta lagu leeyahay.

Taliska ayaa intaas ku daray in hooyadu ay ku jirtay xaalad caafimaad oo uu ku tilmaamay daryeel-xumo, isla markaana ay dhowr maalmood wax cunto ah qaadan weyday. Boolisku waxay sheegeen in Xeer Ilaalintu ay amartay in si degdeg ah loo soo badbaadiyo hooyada iyo ilmaheeda.

Markii ciidamada ay u tageen isbitaalka si ay u fuliyaan amarka, ayaa sida Boolisku sheegeen waxaa dhacay is-mariwaa iyo rabshad dhex martay ciidamada iyo maamulka isbitaalka. Taliska ayaa sheegay in xaaladdu ay gaartay amar-diiddo iyo adeegsiga hub, taasoo keentay in ciidamadu hub la galaan gudaha isbitaalka si ay u fuliyaan amarka badbaadinta.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhacdada hadda lagu sameynayo baaritaan, iyadoo la eegayo mas’uuliyadda dhinacyadii ku lugta lahaa. Taliska ayaa sheegay in cid kasta oo lagu helo fal sharci-darro ah ama khalad la xiriira dhacdada loo gudbin doono hay’adaha garsoorka, oo ay ku jirto maamulka isbitaalka haddii baaritaanku caddeeyo dembi.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

10 hours ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

11 hours ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

1 day ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

2 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

2 days ago
Ruushka oo diyaar u ah dib u bilaabista wadahadallada Ukraine

Ruushka oo diyaar u ah dib u bilaabista wadahadallada Ukraine

2 days ago
Ugaas Xasan oo eedeymo u jeediyay Shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank

Ugaas Xasan oo eedeymo u jeediyay Shirkadda Hormuud iyo Salaam Bank

2 days ago
Calanka Soomaaliya iyo calanka Ireland oo dhinac dhinac u taagan, sawir guud oo ku saabsan walaaca 22 carruur Soomaali ah

Ireland oo ka walaacsan xaalada 22 carruur Soomaali ah

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.