Riyaadh – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Mohammed bin Salman, iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa magaalada Riyaadh ku kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah oo loogu magac daray Strategic Mutual Defence Agreement (SMDA).
Heshiiskan ayaa dhigaya in weerar lagu qaado midkood loo tixgeliyo weerar lagu qaaday labada dalba, taas oo la micno ah in labada dhinac ay si buuxda isu difaaci doonaan haddii ay dhacdo weerar dibadeed.
Xafladda saxiixa ayaa ka dhacday qasriga boqortooyada ee Al-Yamamah, iyadoo Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif si heer boqortooyo ah loogu soo dhaweeyay Sucuudiga.
Heshiiskan ayaa imanaya xilli gobolka Khaliijka uu wajahayo xaalad amni oo kacsan kadib weerarkii Israa’iil ku qaaday Dooxa, iyo iyadoo xiisadda u dhaxaysa Pakistan iyo Hindiya ay gaartay heer halis ah bishii May ee sanadkan, markii labada dhinac ay ku hanjabeen adeegsiga hubka nukliyeerka.
Falanqeeyayaal ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah oo dib u habayn kara juqraafi siyaasadeedka gobolka, iyagoo xusay in tallaabadani muujinayso in Sucuudiga iyo Pakistan ay si buuxda isu garab taagan yihiin, xilli kalsoonida Mareykanka ee Khaliijka ay sii wiiqmayso.