Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya, Kang Hyung-shik, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo horumarinta hay’adaha amniga.
Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha, Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Shire. Labada dhinac ayaa diiradda saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta la xiriirta amniga badaha, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo horumarinta hay’adaha amniga Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo la isla soo qaaday muhiimadda tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo taageerada farsamo ee lagu xoojinayo awoodda ciidamada.
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadanayo horumarinta amniga, nabadda iyo xasilloonida dalka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah, si kor loogu qaado awoodda hay’adaha amniga loona taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.






















