Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta maandooriyaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
June 30, 2026, 1:31 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xukun dil ah ku fulisay saddex muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu helay dambiyo la xiriira tahriibinta maandooriyaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in saddexda nin lagu eedeeyay inay gudaha Sacuudiga si sharci darro ah ku geliyeen maandooriye nooca xashiishka ah, iyagoo ka soo gudbay xuduudaha dalka. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maxkamadaha dalkaasi ay ku heleen dambiyada loo haystay, kaddibna lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa.

Magacyada saddexda qof ee la sheegay in xukunka lagu fuliyay ayaa kala ah Axmed Aadan Cabdi Ibraahim, Axmed Maxamuud Ismaaciil Cabdiraxmaan iyo Maxamuud Cabdiraxmaan Xasan. Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay inay dhammaantood yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

Fulinta xukunka ayaa ka dhacday gobolka Najraan ee koonfurta Sacuudi Carabiya, oo ku dhow xadka Yemen. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay in raggan lagu qabtay deegaanno ku dhow xadka xilli ay isku dayayeen inay dalka geliyaan walxo maandooriye ah.

Sacuudiga ayaa muddo dheer waday olole ka dhan ah tahriibinta iyo ka ganacsiga maandooriyaha, iyadoo dowladdaasi ay marar badan sheegtay in qof kasta oo lagu helo dambiyadaas la marsiin doono ciqaabo adag oo waafaqsan shuruucda dalka.

Shuruucda Sacuudiga ayaa ka mid ah kuwa ugu adag dunida marka ay timaaddo dambiyada la xiriira maandooriyaha, waxaana dadka lagu helo dambiyada qaarkood lagu xukumi karaa dil, kaddib marka ay maraan heerarka kala duwan ee nidaamka garsoorka.

Dilalkan ayaa kusoo beegmaya xilli Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sii waddo dadaallada ay ku xoojinayso la dagaallanka tahriibinta iyo ka ganacsiga walxaha maanka dooriya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

53 minutes ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

2 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

2 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

2 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

2 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

2 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

22 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.