Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Mucaaradka oo ku dhawaaqay qorshe ‘Badbaado Qaran’ kadib kulan Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka somaaliya ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kadibna ku dhawaaqay qorshe ay ugu magac dareen “Badbaado Qaran”. Kulanka ayaa ka dhacay hoyga madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 20, 2026, 5:19 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo ku dhawaaqay qorshe ‘Badbaado Qaran’ kadib kulan Muqdisho
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Siyaasiyiinta mucaaradka somaaliya ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, kadibna ku dhawaaqay qorshe ay ugu magac dareen “Badbaado Qaran”. Kulanka ayaa ka dhacay hoyga madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in kulanka lagu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee dalka. Wuxuu xusay in muddo xileedka Baarlamaanka uu dhammaaday, isla markaana uu dhow yahay dhammaadka waqtiga Madaxweynaha.

Rooble ayaa tilmaamay in dalka uu wajahayo marxalad kala guur ah oo xasaasi ah, isagoo sheegay in ay jirto hubanti la’aan ku saabsan jihada siyaasadeed. Wuxuu sheegay in mucaaradku ay odayaasha la wadaageen walaaca ka jira doorashooyinka iyo xaaladda guud.

Mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in loo baahan yahay “Badbaado Qaran” oo ay ka qayb qaataan dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Waxay ugu baaqeen shacabka inay door muuqda ka qaataan dadaallada lagu xallinayo xaaladda.

Rooble ayaa sheegay in ay hore ula hadleen Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud si xal looga gaaro khilaafaadka jira, balse uu sheegay in weli la isku mari la’yahay arrimaha muhiimka ah. Wuxuu ka digay in dalka uu geli karo xaalad adag haddii aan la helin is-afgarad.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan tahay muranka ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka. Dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee Muqdisho ayaa sii xoogeysanaya maalmihii u dambeeyay.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo dhinacyada kala duwan ay isku dayayaan inay helaan xal mideeya aragtiyahooda ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

11 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

11 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.