• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 13, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mucaaradka oo caawa shir xasaasi ah ku leh Muqdisho

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mucaaradka oo caawa shir xasaasi ah ku leh Muqdisho
Share

Wararka24: Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ee kasoo horjeeda Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay caawa yeeshaan shir xasaasi ah oo ay uga arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in siyaasiyiintan ay isugu tegi doonaan guriga madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yeelanayaan kulan wadatashi ah.

Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro marxaladda kala guurka ah ee uu galay dalka, gaar ahaan kadib dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku ekaa 14-ka April 2026.

Wararka ayaa tilmaamaya in mucaaradka ay soo saari doonaan go’aanno muhiim ah oo ku saabsan sida loo wajahayo xaaladda siyaasadeed, iyagoo hore uga digay halista firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan.

Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeyn doonaa qodobadii kasoo baxay shirkii hore ee Nairobi iyo tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan ee la xiriira dowladda federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka haray muddo ku dhow 30 maalmood, iyadoo aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka, taas oo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed.

Xubnaha ka qeyb-galaya shirka ayaa inta badan ka socda Muqdisho, waxaana la sheegay inay qaadanayaan masuuliyad dheeri ah marka loo eego xubnaha kale ee mucaaradka.

Dhaqdhaqaaqyadan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysaneyso hubanti la’aanta doorashooyinka iyo muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka, iyadoo mucaaradka iyo maamul-goboleedyada qaar ay si adag uga horjeedaan qorshaha dowladda.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad xasaasi ah oo u baahan xal siyaasadeed oo degdeg ah si looga fogaado qalalaase hor leh.


Share

Recommended

Dowladda Federaalka

Wararka24: Dowladda Federaalka oo baaritaan ku billowday weerarkii Hotel Qaahira ee Beledweyne Kadib Shaki dhashay + Sawiro

1 year ago
Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

Dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo mar kale dib u qarxi kara

4 months ago
Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

Mareykanka oo xilka ka qaaday taliyihii ciidamada dhulka

5 months ago
Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

Xasan Sheekh oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Talyaaniga + sawiro

2 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 year ago
Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

Kiis la yaab leh oo ku saabsan saraakiil CIA ah oo lagu dilay Mexico

5 months ago
Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

Daawo: Odayaasha Hawiye oo ka jawaabay hadalkii Garaad Jaamac Garaad Cali

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.