Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Mareykanka oo la heshiinaya Eritrea, qorsheynayana inuu ka qaada cunaqabateynta

Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa inay ka qaaddo cunaqabateyntii saarneyd Eritrea, sida lagu sheegay warbixin cusub oo muujinaysa isbeddel ku yimid siyaasadda Washington ee Geeska Afrika. Tallaabadan ayaa la xiriirta muhiimadda sii kordheysa ee Eritrea ku leedahay marin-biyoodka Badda…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 7, 2026, 4:10 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Mareykanka oo la heshiinaya Eritrea, qorsheynayana inuu ka qaada cunaqabateynta
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Dowladda Mareykanka ayaa qorsheynaysa inay ka qaaddo cunaqabateyntii saarneyd Eritrea, sida lagu sheegay warbixin cusub oo muujinaysa isbeddel ku yimid siyaasadda Washington ee Geeska Afrika. Tallaabadan ayaa la xiriirta muhiimadda sii kordheysa ee Eritrea ku leedahay marin-biyoodka Badda Cas iyo amniga gobolka.

Wararka ayaa tilmaamaya in Washington ay dib u eegis ku sameyneyso xayiraadihii lagu soo rogay Eritrea sanadkii 2021, kuwaas oo la xiriiray doorkeedii dagaalkii Tigray. Cunaqabateyntaasi waxay saameysay militariga Eritrea iyo saraakiil sare oo dowladda ka tirsan.

Falanqeeyayaal ayaa sheegay in tallaabadan ay ka tarjumeyso danaha cusub ee Mareykanka ee gobolka, gaar ahaan xilli ay sare u kacday muhiimadda Badda Cas iyo marinnada ganacsiga caalamiga ah, kadib xiisadaha ka taagan Marinka Hormuz iyo Bariga Dhexe.

Sidoo kale, tallaabadan ayaa loo arkaa fariin toos ah oo ku socota dowladda Itoobiya, iyadoo Mareykanku la sheegay inuu si cad uga digay Addis Ababa in aanu taageeri doonin isku day kasta oo lagu raadinayo marin badeed iyadoo xoog militari la adeegsanayo.

Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ayaa mar kale sare u kacday bilihii u dambeeyay, kadib hadallo kasoo baxay dhinaca Itoobiya oo ku saabsan helitaanka marin badeed, arrintaas oo Eritrea iyo dalal kale oo gobolka ah ay u arkeen mid xasaasi ah.

Inkasta oo xiriirka Mareykanka iyo Eritrea uu muddo dheer ahaa mid qabow, qorshahan cusub ayaa muujinaya in Washington ay mudnaanta siinayso amniga Badda Cas iyo xasilloonida Geeska Afrika, xilli gobolka uu wajahayo colaado isdaba joog ah iyo loollan istiraatiiji ah.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.