Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qeybgalayo kulamada heerka sare ee kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 21, 2026, 6:03 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Mareykanka
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qeybgalayo kulamada heerka sare ee kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Doodda guud ee Golaha Guud ayaa ka bilaabanaysa magaalada New York 22-ka Sebtembar, iyadoo madaxda iyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ay khudbado ka jeedin doonaan fadhiyada guud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu inta uu New York joogo kaga hadlo xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha mudnaanta u leh dowladda, oo ay ku jiraan amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, xoojinta ciidamada qaranka iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dooneysa inay madasha caalamiga ah kusoo bandhigto xaaladda bani’aadamnimo ee dalka iyo baahida loo qabo in la kordhiyo taageerada iyo maalgashiga caalamiga ah, xilli Soomaaliya ay wajahdo caqabado amni, dhaqaale iyo bani’aadamnimo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka qeyb galo kulamo iyo shirar gaar ah oo ka dhacaya New York, kuwaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalalka kale, saraakiisha Qaramada Midoobay iyo mas’uuliyiin Mareykan ah.

Safarka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay xubin aan joogto ahayn ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo dowladda u saamaxaysa inay si toos ah uga qeybqaadato doodaha iyo go’aannada la xiriira nabadda iyo amniga caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey uga qeybgalay kulamadii Qaramada Midoobay, iyadoo khudbaddiisii kalfadhigii 80-aad ay diiradda saartay arrimo ay ka mid yihiin nabadda, amniga, horumarka iyo doorka Soomaaliya ee iskaashiga caalamiga ah.

Inta uu socdo booqashadiisa New York, dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale dooneysaa inay xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo taageerada caalamiga ah ee ajandayaasheeda amni, dhaqaale iyo bani’aadamnimo.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

4 hours ago
Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

4 hours ago
Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

4 hours ago
Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

4 hours ago
Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

22 hours ago
Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

23 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

23 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.