Wararka24: Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ugu yaraan 600,000 oo qof ay koronto la’aan noqdeen kaddib weerarro ay Ruushku ku qaadeen dalka, kuwaas oo loo adeegsaday gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Weerarrada ayaa sidoo kale sababay dhimasho iyo dhaawacyo, iyadoo kaabayaasha tamarta ee Kyiv iyo gobolka Kharkiv ay ka mid ahaayeen goobaha la bartilmaameedsaday.
Hay’adda Adeegga Xaaladaha Degdegga ah ee Ukraine ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen magaalada Kyiv, halka 21 kalena ay ku dhaawacmeen. Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in weerarradu ay saameeyeen xarumo muhiim u ah korontada iyo adeegyada kale ee tamarta, xilli dalka uu wajahayo cadaadis sii kordhaya oo ka dhashay dagaalka.
Trump oo horay u sheegay in Ruushka iyo Ukraine ay joojiyeeen weerarrada kaabayaasha tamarta
Weerarradan ayaa dhacay iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Axaddii ku dhawaaqay in Ruushka iyo Ukraine ay ku heshiiyeen xabbad-joojin ku saabsan weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha tamarta. Trump ayaa farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in labada dhinac ay joojiyaan weerarrada noocaas ah.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay in weerarradii habeenkaas ay bartilmaameedsadeen xarumo tamar iyo isgaarsiin oo ku yaalla gobollada Kyiv iyo Kharkiv, kuwaas oo ay sheegtay in ciidamada Ukraine isticmaalaan. Moscow ayaa weerarrada ku tilmaantay kuwo baaxad leh, balse sheegashada ku saabsan bartilmaameedyada milatari si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dhanka kale, Ciidanka Cirka Ukraine ayaa sheegay in Ruushku soo tuuray 39 gantaal oo ballistic iyo cruise ah iyo 128 diyaaradood oo aan duuliye lahayn. Sida ay sheegeen, difaaca cirka Ukraine ayaa soo riday afar gantaal iyo 115 ka mid ah diyaaradahaas.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa iyaduna sheegtay in habeenkaas la soo riday 902 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo ay Ukraine leedahay, kuwaas oo dul marayay gobollo kala duwan oo Ruushka ah, oo ay ku jiraan Moscow iyo Crimea. Crimea ayaa ah dhul ay Ruushku la wareegeen sannadkii 2014, tallaabadaas oo Ukraine iyo dalal badan oo caalamka ahi diideen.
Zelensky ayaa dhowr jeer sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay inay joojiso weerarrada ka dhanka ah warshadaha sifeynta saliidda iyo xarumaha kale ee tamarta Ruushka, haddii Moscow ay iyaduna joojiso weerarrada la midka ah.
Ruushka oo ka walaacsan hub dheeraad in ukraine la siiyo hadii xabad joojin lalagala
Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa muujiyay shaki ku saabsan xabbad-joojinta. Wuxuu ku dooday in hakinta dagaalku ay Yurub siin karto fursad ay Ukraine ku gaarsiiso hub dheeraad ah si ay dagaalka u sii waddo.
Ruushka ayaa duullaan ballaaran ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022. Moscow ayaa weli gacanta ku haysa qiyaastii shan meelood meel dhulka Ukraine, halka dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo dagaalka ay weli wajahayaan caqabado waaweyn.









