Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Afrika

Itoobiya oo ciidan xooggan soo bandhigay, sheegtayna in bada Soomaaliya illaa Eritrea ay…

Wararka25: 23-02-2026 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa aan badda lahayn uu ballaariyay tababarrada ciidamada si loogu daro hawlgallada bada, isaga oo sheegay in tallaabadan looga golleeyahay la-dagaallanka burcad-badeedda iyo kooxaha halista amni ee…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 23, 2026, 9:24 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Itoobiya oo ciidan xooggan soo bandhigay, sheegtayna in bada Soomaaliya illaa Eritrea ay…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka25: 23-02-2026 Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisa aan badda lahayn uu ballaariyay tababarrada ciidamada si loogu daro hawlgallada bada, isaga oo sheegay in tallaabadan looga golleeyahay la-dagaallanka burcad-badeedda iyo kooxaha halista amni ee ka jira marinka Badda Cas.

Abiy ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Hawaasa, halkaas oo uu ku sheegay in ciidamada Itoobiya ay diyaarinayaan awood badeed oo difaac ah, isla markaana ay ka shaqayn doonaan sugidda amniga marinnada ganacsiga ee u dhexeeya cirifka Soomaaliya illaa dekedda Massawa ee Ereteriya. Waxa uu xusay in Itoobiya ay la shaqayn doonto dalalka deriska ah si loo xaqiijiyo nabad-gelyada gobolka.

Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya, Field Marshal Beraanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadu dib u habayn ku sameeyeen qaab-dhismeedkooda tababar iyo qalab, si ay u yeeshaan awood hawlgallo isku dhafan, inkasta oo dalku uusan lahayn xeebo badeed. Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa carrabka ku adkeeyay in ujeeddadu tahay diyaar-garow difaac oo kaliya.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay xilli Itoobiya ay si weyn ugu tiirsan tahay dekedaha dalalka dariska ah tan iyo markii ay weysay marin badeed 1993-kii. Xiisado diblomaasiyadeed oo horay u soo dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya kaddib heshiis muran dhaliyay oo lala galay Somaliland ayaa hoos u dhacay kadib wada-hadallo ay dhexdhexaadisay Turkiga, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen isu soo dhawaansho ku aaddan helitaanka marin ganacsi oo sharci ah.

Dhanka kale, hadallada Abiy ee ku saabsan gaarsiinta aagga amniga dekedda Massawa ayaa imanaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Ereteriya uu mar kale muujinayo xasaasiyad, kaddib eedeymo is-dhaafsi ah oo ku saabsan xadgudubyo xuduudeed. Itoobiya ayaa sheegtay in himiladeeda badda ay ku raadinayso waddo diblomaasiyadeed, iyadoo mar kale ku celisay in aysan doonayn in arrintaasi keento iska horimaad milatari.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

3 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

3 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

3 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

3 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.