Wararka24: Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen weerarro uu Mareykanku ka fuliyay waqooyi-galbeed ee dalka, iyadoo duqeymo lagu beegsaday goobo ciidan iyo deegaanno kala duwan.
Maamulka gobolka Bariga Azerbaijan ayaa sheegay in qofka dhintay uu ku geeriyooday duqeyn lala beegsaday goob ciidan oo ku taalla koonfur-galbeed magaalada Tabriz. Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay habeenkii Axadda iyo saaka oo Isniin ah.
Hamid Safri, oo ah Agaasimaha Guud ee Waaxda Maareynta Musiibooyinka ee gobolka Galbeedka Azerbaijan, ayaa sheegay in gantaal uu ku dhacay goob u dhow degmada Silvana ee magaalada Urmia, taas oo sababtay dhaawaca dhowr qof.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Bushehr, Mohammad Mozaffari, ayaa sheegay in magaalada Bushehr laba jeer la weeraray. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay inaan ilaa hadda la diiwaangelin wax khasaare naf ah oo ka dhashay weerarradaas.
Wararka ku saabsan weerarradan ayaa kusoo aadaya saacado kadib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) uu sheegay inuu dhammaystiray wajigii sagaalaad ee hawlgallada uu ka wado Iran.
Ilaa hadda, dowladda Mareykanka ma aysan soo saarin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarrada ay Iran sheegtay iyo khasaaraha ka dhashay. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa weli ah mid sareysa, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan eedeymo iyo tallaabooyin militari oo isa soo taraya.


















