Wararka24: Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa gashay marxalad cusub oo xasaasi ah, kadib markii Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi, uu sheegay in is-afgaradkii u dhexeeyay labada dal uu si rasmi ah u burburay, isagoo ku eedeeyay Washington inay waddada diblomaasiyadda uga leexatay tallaabooyin militari.
Gharibabadi ayaa sheegay in hawlgallada militari ee Mareykanka ay meesha ka saareen kalsoonidii loo baahnaa si loo sii wado wada-hadallada, isla markaana ay soo afjareen rajadii laga qabay xal diblomaasiyadeed. Wuxuu ku eedeeyay Mareykanka inuu doortay iska hor imaad halkii uu sii wadi lahaa dadaalladii lagu xallinayay khilaafka labada dal.
Hadalka masuulkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo afartii maalmood ee la soo dhaafay ay labada dal isweydaarsanayeen weerarro militari. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay goobo ku yaalla xeebaha Iiraan si loo wiiqo awoodda Tehran ee ay ku carqaladeyn karto isu-socodka maraakiibta ganacsiga, halka Iiraan ay sheegtay inay weerarro ku qaaday saldhigyo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Khaliijka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo cadaadis ah oo ay ka mid yihiin xannibaado dhinaca badda ah oo ka dhan ah Iiraan. Tallaabadaas ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga gobolka iyo saameynta ay ku yeelan karto isu-socodka maraakiibta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Wada-hadalladii u dhexeeyay Washington iyo Tehran ayaa muddooyinkii dambe ku socday dhex-dhexaadinta dalalka Qatar iyo Pakistan. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iiraan ayaa ku adkeysatay inaysan aqbali doonin wax wada-xaajood ah oo ku yimaada cadaadis ama hanjabaad militari, iyadoo ku celisay in mowqifkeeda ku aaddan arrimaha amniga iyo Marinka Hormuz uusan isbeddeli doonin.
Mas’uuliyiinta iyo khubarada arrimaha gobolka ayaa ka digaya in haddii aan dib loogu laaban wadahadallada diblomaasiyadeed, xiisadda sii kordheysa ay saameyn ku yeelan karto amniga Bariga Dhexe, isu-socodka maraakiibta caalamiga ah iyo xasilloonida suuqyada tamarta.


















