Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo amray dardargelinta amniga

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qabtay shir amni oo uu isugu yeeray saraakiisha ka howlgasha deegaannada maamulkaasi. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 13, 2026, 9:28 am EAT
Reading Time: 4 mins read
Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo amray dardargelinta amniga
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qabtay shir amni oo uu isugu yeeray saraakiisha ka howlgasha deegaannada maamulkaasi. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi iyo masuuliyiin kale oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa masuuliyiinta amniga ee maamulka iyo saraakiisha ciidamada.

Hoggaamiyaha ayaa faray saraakiisha in ay dib u xoojiyaan howlgalada amni ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta. Wuxuu xusay in loo baahan yahay wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta ciidamada kala duwan.

Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla gartay in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha amni ee jira, iyadoo la kordhinayo howlgallada lagu beegsanayo kooxaha khawaarijta. Waxay sidoo kale isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya shacabka iyo laamaha amniga.

Jibriil Cabdirashiid ayaa bogaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, isagoo ku ammaanay guulaha ay ka gaareen la dagaallanka kooxaha nabad diidka. Wuxuu sheegay in dadaalladaas ay muhiim u yihiin badbaadinta shacabka iyo xasilinta guud ee maamulka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu xoojinayo amniga Koonfur Galbeed, iyadoo la doonayo in la dardargeliyo howlgalada iyo in la helo jawi nabadeed oo waara.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

Daawo: Soomaaliya oo dhammaadka sannadkan soo saareysa baasaboor cusub

8 hours ago
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

8 hours ago
Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.