Wararka24: Baaritaan ay Jimcihii baahisay warbaahinta Drop Site News ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo loo nisbeeyey Imaaraadka Carabta ay 26-kii Janaayo 2025 ku dishay afar qof oo ka tirsanaa hal qoys oo Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan saddex carruur ah, meel u dhow Togga-Xarago ee buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari, Puntland.
Sida lagu sheegay baaritaanka, weerarka ayaa sidoo kale dhaawacay shan qof, wuxuuna burburiyey xoolo ay noloshoodu ku tiirsanayd qoyska. Warbaahintu waxay xogtan ku saleysay wareysiyo ay la yeelatay dadkii ka badbaaday weerarka iyo afar sarkaal oo ka tirsan laamaha ammaanka Puntland, kuwaas oo sheegay in diyaaradaha laga leeyahay Imaaraadka ay ka soo duuleen saldhig ku yaalla garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Khadra Cabdi Ismaaciil, oo 38 jir ah, ayaa warbaahinta u sheegtay in qoyskeedu casho isu diyaarinayey markii ay maqashay diyaarad soo dhowaaneysa, kadibna qarax uu ku dhacay hoygooda. Waxaa dhintay walaasheed Laadan Cabdi Ismaaciil, wiilkeeda 13 jirka ahaa Cabdisamad Yuusuf Maxamuud, Maxamed Cabdiqani Maxamed oo toddoba jir ahaa iyo Xawo Axmed Saalax oo 17 jir ahayd, taas oo uur afar bilood ah lahayd.
Ilmaha siddeedda bilood jiray ee Xawo ay gacanta ku haysay ayaa ka badbaaday weerarka. Qoysku wuxuu sidoo kale waayey lix geel ah iyo ku dhowaad 400 oo ari ah, sida ay sheegtay warbaahintu.
Baaritaanka ayaa sheegay in qoyska laga raray deegaanka Dhadaar bishii Diseembar 2024, kadib markii ciidamada ammaanku uga digeen joogitaanka Daacish, una tilmaameen meel kale oo ka ammaan badan. Hase yeeshee, goobta ay u guureen ayaa noqotay halka duqeyntu ka dhacday.
Dadka dhaawacmay ayaa markii hore geel lagu geeyey Balidhidin, halka qaar markii dambe loo qaaday Boosaaso si ay u helaan daryeel caafimaad. Qoyska badbaaday weli dib uguma laaban deegaanka, maadaama ay waayeen xoolihii ay ku tiirsanaayeen.
Doorka Imaaraadka iyo xiisadda siyaasadeed
Puntland ayaa dabayaaqadii 2024 billowday howlgal militari oo ka dhan ah Daacish, iyadoo taageero cirka ah ka helaysay Mareykanka iyo Imaaraadka. Afarta sarkaal ee la hadlay Drop Site News ayaa dhaliilay duqeymaha Imaaraadka, iyagoo ku eedeeyey in aan si ku filan loo kala saarin dadka rayidka ah iyo dagaalyahannada. Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin, safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasna kama aysan jawaabin codsiyada faallo ee warbaahinta.
Baaritaanku wuxuu sheegay in saraakiishu sheegeen in Imaaraadku joojiyey duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn bishii Nofeembar 2025, Mareykankuna uu wixii intaas ka dambeeyey hoggaanka u qabtay duqeymaha cirka.
Arrintan ayaa soo baxday iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay Janaayo 2026 ku dhawaaqday inay baabi’isay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka ee amniga, difaaca iyo dekedaha, iyadoo ku sababaysay ilaalinta madax-bannaanida dalka. Puntland iyo maamulo kale ayaa ka horyimid go’aankaas.









