Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Doorashada Galmudug oo dib Loo dhigay, guddiga doorashooyinka oo soo saaray jadwal cusub

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo la soo saaray jadwal cusub oo lagu qabanayo doorashada.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 22, 2026, 2:03 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Doorashada Galmudug oo dib Loo dhigay, guddiga doorashooyinka oo soo saaray jadwal cusub
Share

Wararka24: Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo la soo saaray jadwal cusub oo lagu qabanayo doorashada.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka dib-u-dhigista la gaaray kaddib markii la qiimeeyay heerka diyaar-garowga howlaha doorashada, isla markaana la tixgeliyay codsiyo ay soo gudbiyeen ururrada siyaasadda oo dalbaday waqti dheeraad ah si ay u dhammaystiraan diyaar-garowgooda.

Sida jadwalka cusub, qabashada codsiyada musharraxiinta ayaa sii socon doonta illaa 25-ka Luulyo 2026, halka doorashada loo asteeyay inay qabsoonto 30-ka Luulyo 2026.

Guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda, musharraxiinta iyo dhinacyada kale ee ku lug leh geeddi-socodka doorashada inay ka faa’iideystaan muddada dheeriga ah si loo xaqiijiyo doorasho u dhacda si xor, xalaal ah oo waafaqsan sharciga.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddigu sii wadi doono wada-shaqeynta uu la leeyahay dhammaan daneeyayaasha si loo dhammaystiro diyaar-garowga lagama maarmaanka ah loona xaqiijiyo qabsoomidda doorashada Galmudug sida ku cad jadwalka cusub.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

21 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

22 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.