• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba
Share

Wararka24: Qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uusan sii socon karin muddo aan xad lahayn, iyagoo ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dardargeliso diyaarinta ciidamada qaranka si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay The East African, dalalka Cameroon iyo Gabon ayaa muujiyay in howlgal kasta oo nabad ilaalin ahi uu leeyahay dhammaad, ayna muhiim tahay in Soomaaliya isu diyaariso maalinta ay ciidamada shisheeye ka baxayaan dalka.

Dooddan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira maalgelinta howlgalka AUSSOM, kaddib markii Mareykanku muujiyay inuu ka soo horjeedo sii wadista taageerada Qaramada Midoobay ee howlgalka laga bilaabo sannadka 2027. Arrintaas ayaa abuurtay shaki ku saabsan mustaqbalka howlgalka iyo sida loo sii maalgelin doono.

Warbixintu waxay xustay in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay hadda ka doodayaan sidii loo dejin lahaa qorshe cad oo Soomaaliya si tartiib tartiib ah ugu wareegeyso mas’uuliyadda amniga, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha dhaqaale iyo kuwa amni ee weli horyaalla howlgalka.

Howlgalka AUSSOM ayaa billowday sannadkii 2025, isagoo beddelay ATMIS. Ujeeddadiisu waa taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo xasilinta deegaannada laga saaray Al-Shabaab, iyadoo qorshuhu yahay in mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliyeed marka ay yeeshaan awood buuxda oo ay ula wareegaan sugidda amniga dalka.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.