Wararka24: Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex muuqda madaxda Somaliland, kadib hadallo la xiriira aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo xiriirka cusub ee labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan jeediyay madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo ku baaqay in si taxaddar leh looga fiirsado heshiisyada iyo xiriirka cusub ee lala yeesho Israa’iil.
Muuse Biixi ayaa toddobaadkii hore sheegay in isbeddellada ka socda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika ay u baahan yihiin feejignaan dheeri ah, isagoo ku boorriyay xukuumadda Somaliland inay si qoto dheer uga fiirsato go’aannada diblomaasiyadeed ee waaweyn.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay arrin qaran oo u baahan wadajir iyo iskaashi siyaasadeed, isla markaana aysan habboonayn in laga dhigo arrin lagu kala qaybsamo.
“Muuse Biixi waxaan leeyahay, aqoonsiga aad kabo la’aanta uga soo oroday, beerta ha ka soo horjeesan,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Cirro ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga Somaliland uu yahay himilo ay shacabka Somaliland muddo dheer ku taamayeen, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay mideeyaan dadaallada lagu raadinayo aqoonsi caalami ah.
Dhanka kale, Muuse Biixi ayaa hore u sheegay in xaaladaha siyaasadeed ee ka jira gobolka iyo Bariga Dhexe ay saameyn ku yeelan karaan mustaqbalka Somaliland, isla markaana loo baahan yahay in si taxaddar leh loo qiimeeyo heshiisyada iyo xiriirrada cusub.
Arrintan ayaa dhalisay dood siyaasadeed oo gudaha Somaliland ah, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan xiriirka cusub ee Israa’iil iyo dadaallada la xiriira aqoonsiga Somaliland.


















