Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidanka Danab oo burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen weerarro

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 15, 2026, 1:01 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidanka Danab oo burburiyay fariisimo ay Al-Shabaab ka abaabuli jireen weerarro
Share

Wararka24: Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayd.

Howlgallada ayaa ka dhacay deegaannada Xawaalo-afwaax, Weelmaarow iyo Lafagari, iyadoo ciidamada ay gudaha u galeen goobahaasi isla markaana ay burburiyeen godad difaac iyo xarumo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka weerarrada iyo kaydinta agabka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay gaareen ujeeddooyinkii loo qorsheeyay, isla markaana la burburiyay saldhigyo iyo difaacyo ay Al-Shabaab ka samaysatay deegaannadaasi. Dowladda ayaa sheegtay in goobaha la beegsaday ay kooxda kasoo abaabuli jirtay weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada ammaanka.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso gulufka milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kaddib amarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriiray dardargelinta howlgalada lagu beegsanayo kooxda.

Maalmihii u dambeeyay, ciidamada Danab ayaa kordhiyay howlgallada ay ka wadaan koonfurta dalka. Dowladda ayaa hore u sheegtay in howlgal ka dhacay degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka howlgal kale oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag lagu dilay horjooge Cabdisalaan Macallin Abuukar, oo sida dowladda sheegtay u qaabilsanaa qorista maleeshiyaad cusub iyo uruurinta baadda ay kooxda ka qaaddo shacabka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo ciidamada ay sii wadaan beegsiga fariisimaha, xarumaha iyo horjoogayaasha kooxda ee ku sugan deegaannada ay weli ka howlgasho.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.