Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo caleemo saarka Galmudug

Xasan Sheekh ayaa gaaray Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo caleemo saarka Galmudug ee hoggaamiyaha cusub Liibaan Axmed Xasan.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 5, 2026, 2:55 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo caleemo saarka Galmudug
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo uu uga qeyb galayo xafladda caleemo saarka hoggaanka cusub ee Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa si diirran u soo dhaweeyay hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan.

Sidoo kale magaalada waxaa maanta gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamza Cabdi Barre, iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Xafladda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka, madaxda dowlad goboleedyada iyo marti sharaf ka kala timid gudaha iyo dibadda dalka.

Liibaan Axmed Xasan ayaa 22-kii Oktoobar loo doortay hoggaamiyaha Galmudug, kadib cod ay bixiyeen xildhibaannada Golaha Wakiillada ee maamulka. Isla maalintaas waxaa hoggaamiye ku xigeen loo doortay Cabdiweli Ibraahim Garyare.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markaas hambalyo u diray hoggaanka cusub, wuxuuna ugu baaqay inay mudnaanta koowaad siiyaan nabadgelyada, xallinta khilaafaadka gudaha iyo xoojinta midnimada bulshada.

Wuxuu sidoo kale ku boorriyay inay horumariyaan kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa doorashadaas ku tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay ka qeyb qaateen boqolaal kun oo muwaadiniin ah oo ku nool magaalooyinka iyo miyiga Galmudug.

Xafladda caleemo saarka ka hor, amniga Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay.

Ciidamada aan ka mid ahayn kuwa loo xilsaaray ilaalinta xarunta maamulka ayaa laga mamnuucay inay hub ku qaataan gudaha magaalada, waxaana socda baaritaanno lagu sameynayo gaadiidka.

Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshe amni oo loogu talagalay sugidda xasilloonida magaalada inta ay socoto xafladda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

DAAWO: Aadan Madoobe oo ka hadlay xafladda caleemo saarka hoggaanka cusub ee Galmudug

DAAWO: Aadan Madoobe oo ka hadlay xafladda caleemo saarka hoggaanka cusub ee Galmudug

9 minutes ago
Xafladda caleemo saarka hoggaanka cusub ee Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

Xafladda caleemo saarka hoggaanka cusub ee Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb

18 minutes ago
Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo caleemo saarka Galmudug

Xasan Sheekh oo gaaray Dhuusamareeb si uu uga qeyb galo caleemo saarka Galmudug

28 minutes ago
JD Vance oo dagaalka Iran ku eedeeyay guuldarradii Jamhuuriyiinta ee doorashada dhexe

JD Vance oo dagaalka Iran ku eedeeyay guuldarradii Jamhuuriyiinta ee doorashada dhexe

39 minutes ago
Itoobiya iyo Suudaan oo xiray qunsuliyadihii ay isku lahaayeen

Itoobiya iyo Suudaan oo xiray qunsuliyadihii ay isku lahaayeen

3 hours ago
Dhuusamareeb oo isu diyaarinaysa caleema-saarka hoggaanka Galmudug

Dhuusamareeb oo isu diyaarinaysa caleema-saarka hoggaanka Galmudug

4 hours ago
Xamsa oo manta guddoomiyay kulan ku saabsan….

Xamsa oo manta guddoomiyay kulan ku saabsan….

21 hours ago
Safiirka Cumaan oo warqadihiisa u gudbiyay Xasan Sheekh

Safiirka Cumaan oo warqadihiisa u gudbiyay Xasan Sheekh

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.