Magaalada Dhuusamareeb waxaa Khamiista ka socda qabanqaabada caleema-saarka hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, iyo ku xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).
Madax hore iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa magaalada u yimid ka qaybgalka munaasabadda. Goobjoog ayaa sheegay in Liibaan uu qaar ka mid ah martida ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur.
Aqalka Sare ayaa sheegay in guddoomiye ku xigeenkiisa labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), uu Arbacadii gaaray Dhuusamareeb isaga oo hoggaaminaya wafdi ay ku jiraan wasiirro iyo sanatarro. Garyare ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka.
madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka mid ah madaxda la filayo inay ka qaybgalaan munaasabadda.









