Wararka24: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta ka hadlay isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacay Koonfur Galbeed, kadib safar uu ku tagay magaalada Baydhaba.
Aadan Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa u mahadceliyay shacabka deegaanka, isagoo sheegay inay muujiyeen taageero ay u hayaan dowladnimada iyo qorshaha dowladda federaalka.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee fuliyay howlgalka, isagoo xusay in ay ka gudbeen caqabado amni oo ay kala kulmeen duleedka magaalada.
“Waan maqalnay in ciidanka jidka loo galay, balse arrintaas waa laga soo gudbay,” ayuu yiri Aadan Madoobe, isagoo tilmaamay in howlgalka uu ku dhammaaday guul.
Guddoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay ka shaqeyn doonto qabashada doorasho xalaal ah oo ka dhacda Baydhaba, isagoo faray ciidamada inay xoojiyaan ammaanka magaalada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in la doonayo in la xakameeyo dhaqdhaqaaqa habeenkii si loo sugo amniga, xilli ay socoto marxalad kala guur ah oo maamulka ah.
Wafdiga uu hoggaaminayo Aadan Madoobe ayaa ka kooban xildhibaanno iyo wasiirro, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka awqaafta, iyagoo u tegay Baydhaba la-tashi ku saabsan xaaladda cusub.
Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa haatan degan, kadib markii dowladda federaalka ay si buuxda ula wareegtay gacan ku haynta magaalada, taas oo si weyn u beddeshay jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.























