Wararka24: Meydka Boqor Oyo Nyimba Kabamba Iguru Rukidi IV, oo loo aqoonsanaa boqorkii dhaqanka ee ugu da’da yaraa dunida, ayaa laga soo qaaday Mareykanka waxaana lagu soo celiyay Uganda, halkaas oo Madaxweyne Yoweri Museveni iyo mas’uuliyiin kale ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha Entebbe.
Boqor Oyo oo ahaa hoggaamiyaha dhaqanka ee Boqortooyada Tooro ayaa ku geeriyooday Mareykanka toddobaadkii hore, isagoo 34 jir ah. Waxaa la sheegay inuu muddo u la xanuunsanaa nooc kansar ah oo halis ah, waxaana geeridiisu dhalisay baroordiiq ballaaran iyo walaac ku saabsan mustaqbalka boqortooyada.
Meydka boqorka ayaa markii hore loo qaaday Kyegegwa oo ku taalla galbeedka Uganda, ka hor inta aan loo sii gudbin magaalada Fort Portal oo ah xarunta Boqortooyada Tooro. Meydkiisa ayaa lagu dejiyay Qasriga Karuziika, halkaas oo muddo sagaal maalmood ah ka socon doona baroordiiq rasmi ah, iyadoo dadweynaha loo oggolaan doono inay halkaas ku soo booqdaan.
Boqor Oyo wuxuu boqortoyada fuulay sanadkii 1995 isagoo saddex jir ah, waxaana markii dambe si rasmi ah loo caleemo saaray isagoo 18 jir ah. Diiwaanka Adduunka ee Guinness ayaa ku diiwaangelisay inuu ahaa boqorka ugu da’da yaraa dunida xilligii uu carshiga fuulay.

Khamiistii, baarlamaanka Uganda ayaa xildhibaanadu u sameeyeen maamuus gaar ah, iyagoo ku ammaanay doorkiisii horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo fursadaha dhalinyarada. Ra’iisul Wasaare Robinah Nabbanja ayaa ku tilmaantay boqorka “astaan midnimo”, iyadoo xustay dadaalladiisii wacyigelinta HIV iyo AIDS ee dhalinyarada.
Madaxweyne Museveni ayaa amray in loo sameeyo aas rasmi ah, iyadoo calanka qaranka laga taagi doono meel dhexe muddo saddex maalmood ah inta lagu jiro aaska. Kahor aaska, waxaa la filayaa in kaniisad maxalli ah lagu qabto xaflad diimeed, kaddibna meydka lagu qaado socod dhaqameed loo marayo Qabuuraha Boqortooyada Karambi.
Geerida Boqor Oyo ayaa sidoo kale abuurtay su’aalo ku saabsan cidda dhaxli doonta boqortoyada, maadaama uusan si rasmi ah u guursan. Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Tooro, Calvin Armstrong Rwomiire Akiiki, ayaa sheegay in boqorku lahaa wiil yar, balse magaca iyo aqoonsiga dhaxal-sugaha lagu dhawaaqi doono iyadoo la raacayo caadooyinka boqortooyada.
Arrintaasi ayaa dhalisay dood gudaha ah, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha qoyska boqortooyada ay sheegeen inaysan ogeyn ilmaha la sheegay. Mas’uuliyiinta Boqortooyada Tooro ayaa ugu baaqay dhinacyada inay khilaafka si gaar ah uga wada hadlaan, halka dowladda Uganda ay dadka ka codsatay inaysan baraha bulshada ku faafin warar aan rasmi ahayn oo ku saabsan dhaxalka.
Aaska Boqor Oyo ayaa la filayaa inuu noqdo mid ay isugu yimaadaan mas’uuliyiin, xubno ka tirsan boqortooyada iyo shacabka Uganda, iyadoo boqortooyadu weli wajaheyso marxalad xasaasi ah oo ku saabsan hoggaanka mustaqbalka.







